SAWIRO-DHAGEYSO:-Hubkii iyo Gaadiidkii Ciidanka Itoobiya Loogasoo Furtay Mustaxiil oo Lasoo Bandhigay Buula Burde ee gobolka Hiiraan

Bula-4Fagaare ku yaal magaalada Buula Burde ee gobolka Hiiraan ayaa lagusoo bandhigay saanado hub iyo hanti oo mujaahidiinta Soomaaliya ay kasoo qaniimeysteen ciidanka Itoobiya kadib dagaal ka dhacay deegaanno hoos yimaad degmada mustaxiil.

Boqolaal qof ayaa isugusoo baxay magaalada Buula Burte si ay u daawadaan hub iyo agabyo kale oo mujaahidiintu dhawaan soo qaniimeysteen,saraakiil katirsan wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa shacabka meel fagaara ah kala hadlay iyagoona soo bandhigay qeyb kamid ah qaniimadii cadawga lagasoo furtay.

Hubka lasoo bandhigay waxaa kamid ah qoryahay PKM-ka Bambaanooyin,Rasaas iyo qoryaha AK47 oo dhammaantood lagasoo furtay cadawga itoobiya.

Gaari nuuca xamuulka qaada ah oo ay wateen ciidanka Itoobiya ayaa isna kamid ahaa qaniimada lasoo bandhigay oo dagaalkii Mustaxiil lagusoo furtay,dhar,Mobile-lada gacan qaadka ah dares ciidan iyo qalab kale ayaa kamid ahaa qaniimada saxaafadda latusiyay.

Sheekh Yuusuf Cali Ugaas waaliga Hiiraan oo kalimad ka jeediyay munaasabadii bandhigga qaniimada ayaa sheegay in ciidamada wilaayada ay sii wadi doonaan howlgalada nuucaan oo kale inta ay ciidanka Xabashida Itoobiya xoog ku heystaan degmada Beled Weyne.

Halkan Ka dhagayso Sheekh Yusuf Cali Ugaas oo Munaasabadda ka hadlay MP3

somalimemo.net
somalimemo.net
somalimemo.net
somalimemo.net
somalimemo.net
somalimemo.net
somalimemo.net

Voice Of Somalia-Banaadir Post.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s