Mahad oo dhani waxa ay u Sugnaatay Alle Subxaana Watacalaa ee naga dhigay Umad Islaam Ah oo is Farto wanaaga iskana Reebto Xumaato Oo dhan.
Akhristow Waxaan horay dhoowr jeer kaga soo hadalay dhibaatada dadkeena iyo dalkeena ku habsatay ee aan la soo koobi karin qoraal ama sheego balsa waxaa mar walba lama huraan ah in hadaba waxii Bulshada Dhibaa wax laga qoro ama laga hadlo.
Hadaba maanta waxan jecleestay in aan wax ka qoro dhibaato waayadaan ku soo kora dhay Bulshada Soomaliyeed Qaasatan Dadka Reer Muqdisho Taasoo Subax walba lagula kaco oo marba Xaafad lagu qaado Weerar aan loo kala saarin Dhadig Iyo Lab ama Caruur iyo Ciroole tasoo ka dhalata Raafka .
Waayadan danbe waxaa wax caadi ah ka noqday magalada Muqdisho Raaf subax walba lagula kaco xaafad ka mid ah Xaafadaha Magaalada Muqdisho tasoo gundhigeeda yahay in dadka muslimiinta ee ay ka muuqato Sunnada Islaamka Lagula dagaalamo oo laga dhigo wax la xiro iyo wax la beecsado ama la Ihaaneesto
Ciidanka Dowladda oo u muuqda in lagu soo ababiyay gumaadka Shacabka ayaa sii laba jibaaraya tacadiyada ka dhanka ah umadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Muqdisho oo subax walba u kalahaya daafaha kala duwan ee magaalada si ay u soo xasiliyaan nolol maalmeedkooda.
Dadka ayaa subaxa hore ee aroorta waxay u kacaan Salaadda Fajarka kadibna waxay dalbaan Rizaq xalaal ah iyagoo u kala dareera goobaha kala duwan ee ganacsiga iyo waxbarashada si ay u sii ambaqaadaan noloshooda gumaysigu hareeyay.
Waa Maxay Sababta Raafka.
1: Raafka oo noqday Isha Dhaqalaha ee kooxda Villa Somaaliya fadhiso ayaa waxa lagu shegaa sababta ugu weyn in ay u argaan in marka dhaqalaha ama mushaarka hakad galo in laga heli karo lacago marka la raafo umada Muslimiinta si ay isku furtan oo lacaga gaaaryo Kummanaan dollar
2: Cidamada Shisheeye ee gaalado oo amar ku bixiyo in dadka ay Sunnada ka muuqto lasoo qabto si loola dagaalamo Sunnada iyo sharafka Islaamka Dadka uu ka Muuqdo
3:Iyo in umada Muslimiinta lagala dagaalmo Jaceylka ama rabitaanka ay u hayaan Alshabaab inay ka haraan sida marba mar loo xiraa ama loo iibsanaa tasoo ay ku hungoobeen Kooxda Villa Soomaaliya Fadhiso.
Isku soo wada duub raafka dadka muqdisho lagu hayo ayaa markaa la sheekeesto shacabka ku sheegayaan in ay tahay arintaan wax looga danleeyhay in umada lagu dhibaateeyo oo lagu iibsado waloow ay kooxda Xasan Sheikh Ku sheegaan in u yahay wax ay ugu yeereen in ay Nabad Soo celin.
Maxaa La Gudboon Shacabka Muqdisho
Shacabka Muqdisho oo ah dad aad ula dagaalmo Kufriga waxa la gudboon in ay ka dhiidhiyaan falkaan foosha xun ay kula dhaqamaan kooxda had iyo jeer cadeestay iibsashada Caruurtooda Subax walba la raafaa marka ay damcaan in ay aadaan schoolada ama goobaha madaarista diinga.
Inta badan dadka uu Raafka sameeyo ayaa ah ardayda Schoolada u kalahado ama u shaqa tago reraha ay ka soo jeedaan tasoo sababi karto in dadka reerka Muqdisho aaqirka ka dagaalmaan sidii horayba u dhacaday xilkii Hogaamiya Kooxeedyadii u diiday in ay heleen nabad tasoo aaqirki sababtay in mesha laga saaro hogamiyaashii.
Dhibaatada heysta shacabka Muqdisho ayaa ah mid aan kala joogsi leheyn iyadoon shacabku ay yihiin kuwo wajahya nolol adag, waxaana dadka inta badan ay bilaabeen inay isaga baxaan xaafadaha qaar iyadoo dadka aan kirada guriga iska bixi karin deegaankoodiina ka qaxay ay duruuftu ku kaliftay inay degaan meelaha duleedka ka ah Muqdisho.
Ma jirto ilaa hadda wax rajo ah shacabka Muqdisho oo ay ka qabaan in dhibaatadaasi joogsato laakiin dadka ayaa ku taamaya in mar uun ku dhaqankii shareecada islaamka ay caasimaddu dib u heli doonto markaasi oo ay soo laaban doonto heybaddii diinta Islaamka ee gabdhaha iyo dhalinyarada reer Muqdisho oo hadda naftooda ugu sir waramaya inay sabraan.
Gaba gabada Maqaalka.
Anoo ku soo gunanada hadalka ama qoraalka waxan jecleestay in an farin qoraal ah u mariyo halkaan kooxda fadhiso Villa Soomaliya tasoo ku aadan Raafka aan kala joogsika laheen ee lagu hayo Bulshada Muqdisho.
Ogaaada hadaad aaminsan tihiin in shacabka Muqdisho kaga tanasulayaan diintooda ama jacelyka ay u qabaan isku dhaqa sharecada islaamka in ayasan taasi suura galeen
Ciidan walba oo shisheeyo oo la keeno ma noqonyo mid lagu qasabi karo shacabka somaliyeed waan tan aaqirkii keentay in shacabka uu la dagaalmo ciidamadaan shisheeye ee xoog ku soo galay Somaaliya markii laga Oogay Sharecada Islaamka.
Fariinta ugu danbeeso aan u diraayo shacabka Muqdisho waxan leyahay u sabra Isha Allah waxaa ka danbeenaa ciqaabka ay cadeestay Kooxda Shisheeyaha ah Nasri Isha Allah Soo Deg dego Marka la Sugnaado.
W/Qoray Saciid Isalaam
FG: Fadlan Haddii Wax tala Ah ama Sixid ah ay jiraan iigu soo Hagaaji
saciid.islaam@facebook.com
Voice Of Somalia-Banaadir Post