MAQAAL:-Maxaa Ahlu Diinkeena Looma ooyaan Ka Dhigay

29009963

Aqristayaal waxaa nasoo gaaray maqaal uu qoray aqoonyahan Puntland jooga, kana hadlaya tacadiga lagu hayo dadka ahlu diinka ah ee gobolkaasi ku dhaqan, rag iyo dumarba.

Aqoonyahanka oo cidsaday inaan magaciisa la daabicin sababo la xiriira ammaankiisa ayaa waxa uu maqaalka cinwaan uga dhigay “Maxaa Ahlu Diinkeena Looma Ooyaan Ka Dhigay”. wuxuuna ku billaabay sida tan:

Marka hore waxay mahad oo dhami u sugnaatay Allaah Subxaanahu Watacaalaa, marka xiga waxaan salaamayaa dhammaan ummada muslimiinta ah meel walboo ay joogaan.

Gobolkan aan joogno ee Puntland waxaa ka jirta dhibaato aad u weyn oo lagu hayo dadka Ahlu diinka ah, ma jirto maalin aanan qof la dilin, ama la xidhin ama la dhoofiyin. taa badalkeeda waxaad arkeysaa inaaney jirin cid si sax ah uga dhiidhiyi karta arintaas.

Aniga waxaa iga maqan labo eheladeeda ah oo si aad u fool xumo badan loo dilay, mid waa Sheekh caan ah oo ay ciidamada ina Faroole ku dileen magaalada Gaalkacyo, midina waa gabar ahlu diin ahayd oo isla ciidankaasi ku gumaadeen magaalada Boosaaso.

Bil iyo dheeraad ayaa laga joogaa dilka walaashey Ruqiya Axmad Xassan (Ruqiyo Amuureeye), waa gabadha lagu dilay xabsiga magaalada Boosaaso iyadoo aaney jirin cid ay wax ka galabsatay, oo aanan ka ahayn Ahlu diinimada.

Horey waxaa loo dilay walaalkeed oo nin sheekh ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamuud Axmed Xasan (Maxamuud Amuureeye) oo isna ciidamada ashahaado la dirirka ah ku dhex toogteen masjidka weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Ruqiyo iyo Sheekh Maxamuud kaliya ma ahan dadka ay gumaadeen ciidamada ashahaado la dirirka, waxaa kale oo la xasuuqay dad badan oo bulshada qeynaheeda ka kooban, iyadoo lagu heysto diintooda.

Wixii dhacay wey dheceen, laakin arinta aan illaa iyo hadda ka hurdi la’ahay ayaa waxay taahy sababta Ehlu diinkeena Looma Ooyaanka Ka Dhigtay. Maxaa looga xanuunsan waayay gabdheheena ahlu duunka ah ee horteena lagu dilay, maxaa looga damqan waayay mashaa’ikhdeena la dilayo ee la dhoofinayo, maxaa ahlu diinkeena tol laawe ka dhigay? Wallaahi waa su’aal maskaxdeyda ka weyn?.

Maanta haddii la dilo nin ashahaado la dirir ah qiimo ayuu ka leeyahay dhulkeena, laakin ahlu diinkeenu waa looma ooyaan!! INAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Walaalayaal waxaan maqaalkan kusoo gabagabeynayaa dardaaran aan u jeedinayo Soomaalida daggan Puntland, walaalayaal sow ma ogidiin inuu ciqaabka Alle inaku dhacayo, haddeynaan diinteena iyo dadkeeda u damqan, walaalayaal ahlu diinkeenu ma waxay ka liitaan mooryaanteenii loo aari jiray.

Ma hurinayo dagaal qabyaaladeed, laakin ujeedadeydo waxay tahay in qabiil walbaahi ka dhiidhiyo xasuuqa lagu hayo ahlu diinkiisa.

26080725

 Voice Of Somalia-Banaadir Post.