MAQAAL:- Qormadii uu DONALD KIPKORIR Soomaalida ugu gafay, dhulka Soomaaliyeedna Kenya iyo Itoobiya u kala qeybiyay oo Af-Soomaali lagu turjumay – By Aden Colujoog

36756007 (1).jpg

Dhamaan dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka, Asalaamu Caleykum Waraxma tulaahi wa barakaatuhu, bacda salaam, codsi iiga yimid qaar ka mid ah asxaabteyda iyo kuwo ku xiran qoraaladeyda awgood, waxaan halkaan kusoo gudbinayaa qoraal aan turjumay, kaasoo ah mid horay dadka Soomaaliyeed ee akhristay iyo intii maqashayba si weyn uga careysiiyay.

Qoraalkaas oo uu cinwaankiisu ahaa “Why Kenya and Ethiopia ought to annex and divide Somalia?“, ayaa waxaa sanaddii 2008 qoray qoraa Keenyaan oo la yiraahdo Donald Kibkorir, kaasoo kusoo baxay bogga hore ee jariidadda Daily Naiton ee dalka Kenya.

Qoraalkaas oo dhan markii laga eego qowmiyadda umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba si weyn loogu gafay, ayaa haddana dhanka kale sida aad hoos ku arki doontaanba waxuu qoraagu horay usii odorosay in ay Kenya iyo Itoobiya waajib ku tahay in dhulka beylahda ah ee Soomaaliyeed oo aanay jirin cid ka hor taagan ay qeybsadaan kuna kala darsadaan dalalkooda.

Waxba yaanan hadalka ku dheeraane, waa kuwaan hoose qoraalkaas oo aan turjumay iyo asaga oo Ingiriis ku qoran ee kii aad rabto kaga bogo nuxurka uu xambaarsanaa qoraalkaas jaa’ifada weyn xambaarsan, dadka Soomaaliyeedna ku tilmaamay in ay yihiin wax aan jirin oo u baahan in la qeybsado, dabadeedna masrax siyaasadeedka adduunka lagu matalo: —————————————————————————————————————————————————————


Why Kenya and Ethiopia ought to annex and divide Somalia?”
by DONALD KIPKORIR,  dkipkorir@ktk.co.ke
Friday, October 03, 2008.
——————————————————————————————————————————————————————-

Maxay Kenya iyo Itoobiya iskugu fidin waayeen oo ay u qeybsan waayeen Soomaalia?
Waxaa turjumay: ADEN COLUJOOG,  adencolujoog@yahoo.com
Sabti, Juun 08, 2013
———————————————————————————————————————————————————————

Bishii hore, Lehmans Brothers iyo Merrill Lych, bangiyadii maalgelinta ee adduunka ugu weynaa, ayaa noqday kuwo kacay, waxaana marqaati ka aheyn khal-khalkii dhaqaale ee ka dhacay caasimadaha reer galbeedka, ayada oo waxyaabihii caalamka ugu hadal haynta badnaana ay ahaayeen:
Sidii ay Washington u heli laheyd samato-bixinta bangiyada kacay, 50 nin oo shufto arxan laawe-yaal hubeysan ah oo qaarka sare qaawaan, oo saran doonyo uusan sameyskoodu fiicneyn ayaa xeebaha Soomaaliya ku qabsaday markab ay saran yihiin 33 taangi oo noocoodu yahay T-72, gantaalada garbaha laga rido iyo qoryaha lidka  diyaaradaha.  Kaddib markii aan arkay qabsashadii markabkii MV Faina iyo  wadahadaladii istaagay ee maraakiibtii dagaalka ee Mareykanka iyo Ruushka ee ku hareereysnaa ayaa waxaan ku fekeray laga yaabee in la joogo waqtigii mushkiladda Soomaaliya xal waara laga gaari lahaa.
Ilaa iyo sanaddii 1960, wadanku waxuu ahaa mid fawdo ah oo guri u ah argagixisada iyo burcad badeedka. Burcad badeedku waxay noo sheegeen in hubka ay qabsadeen ee khalkhalka iyo jahawareerka ku abuuray Washington in uu ku socday, Nairobi iyo Khartuum.  Hadday run tahay meesha hubka loo siday in ay tahay Koofurta Suudaan, sida ay sheegeen, waxaan la meel taaganahay markii ugu horeysay go’aanka ay qaadatay xukuumadda Kibaki.

Anigu waxaan taageere u ahay qorshaha siyaasadda arrimaha dibadda xataa haddii uu naga horkeenayo wadamada aan cadowga nahay ee ku kaca falalka sheydaanimo ee ay xukuman kaligood taliye-yaasha sida Khartuum. In la caawiyo dowladda Koofurta Suudaan ee aan qorshaha fog ka leenahay waa lagama maarmaan, in aan sidaas yeelnana ka xishoon meyno.

Runta jirtaaye waxay tahay, maadaama aan nahay xulufada reer Galbeedka, Kenya waxay cadow ku tahay wadamada Carabta oo ay Suudaan ku jirto. Haddaba in la’isku balaariyo Soomaaliya waxay ka mid tahay qorshe daneedkeena, waana in aan sidaas yeelno hadda inta uu socdo bur-burka dhaqaale ee ay indhaha adduunka naga sii jeedaan.

Soomaaliya waxay dal ahaan un uga muuqataa maabka adduunka, waana dal fashilmay. Waa dal u kala jajabay unugyo badan oo ay tiiba iskeed u madax banaan tahay iyo jifo-jifo.   Xubnaha 90-ka ah ee uu golahooda howl-wadeenada ka kooban yahay waxay astaan u tahay tirada unugyada rasmiga ah. Wadankaan Geeska Afrika malahan dowlad shaqeysa. Waxa loogu yeero dowladda ku meel gaarka ah ee uu hogaaminayo Cabdulaahi Yuusuf Axmed, waxay xabsi ahaan ugu jiraan ayaga oo dhiban dhismaha madaxtooyada.  Ma jiro ciidan taagan iyo mid fadhiya iyo nidaam xeer ilaaineed toona.

Arrinta marka dhan walba laga eego, Soomaaliya waa god modow marka la eego xeerka caalamiga ah.  Marka la raaciyo Afganistaan iyo bakistaan, dhamaantood waxaa loo yaqaan dhulka tababarada iyo gabaadka argagixisada caalamiga ah. Kenya waxuu dhib weyn kasoo gaaray falalka argagixiso-nimda, taasoo u hor seeday in ay qarka u fuusho bur-bur ku yimaada ilaha dhaqaale ee dalxiiskeeda.

Ma awoodi karno in aan mar kale wajahno weerar sidaas oo kale ah. Waxaan leenahay awood aan ku hormarino dalxiiskeena si aan ula tartano, haddiiba aanan ka dheereyneyn dalalka Masar iyo Koofur Afrika.  Laakiin sidaas ma sameyn karno haddii ay Soomaaliya sii ahaato dowlad la’aan. Soomaaliya waxay daris yihiin dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Waa run, in ay Itoobiya iyo Kenya kaliya yihiin kuwa danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya.

Jabuuti wali waxay ku nooshay noolal badwi ah, waana xarun un wax lagu keydiyo ama laga dhoofiyo oo aanan xataa awoodi karin in ay biyo siiso dadkeeda oo gaaraha 600,000 oo qof, kuwaasoo lagu qasbay in ay cabaan biyo Faransiiska laga keenay ama Kooka Koola.  Haddaba, Jabuuti waxay banaanka ka tahay baaritaanka loogu jiro sidii xal waaraa looga gaari lahaa mushkiladda Soomaaliya.

Kenya iyo Itoobiya waa in ay kala gooyaan Soomaaliya oo ay kala qeybsadaan, ayada oo ay qeybtana ka bilaabmeyso loolka darajada 4 halka uu ka gooyo, ayada oo uu dal walbana qaadanayo dhulka loolkaas ka sareeya ama ka hooseeya. Qeybtu waxay labada wadanba ku kordhineysaa dhulkooda qiyaastii 300,000 sq km iyo dad ay tiradoodu gaareyso shan milyan.

Markii ay Kenya iyo Itoobiya u diraan ciidamadooda wada socda Soomaaliya oo ay ku dhawaaqaan isbalaarintooda, waxaan ku matali doonaa dunida, xaalkuna waxuu noqon doonaa mid dhamaaday oo aanan dib looga wada hadli doonin. Sanadkii 1845, dalka Ameerika waxuu isku balaariyay oo uu dhulkiisa ku darsaday gobolka Texas oo uu ka boobay dalka Mexico.

waxaana lagu qasbay sharci dejiye-yaashii gobolka Texas in ay sharciyeeyaan oo ay aqbalaan sharciga cusub ee gobolka lala wareegay. Isku fidintaas iyo ku darsashadaas gobolka Texas ilaa iyo manta waa jiraa oo waa dhaqan galay, si aad si fiican arrinka ugu sii fahanto, madaxweyne George W. Bush waxuu ku faraxsan yahay in uu yahay nin u dhashay kana soo jeeda gobolka Texas.

Kenya iyo Itoobiya, markay sharci dejie-yaasha Soomaalida ogolaadaan oo ay meel mariyaan qeybta dalkooda iyo sida aan dalalkeena ugu kala darsanay, isbalaarintu wayba dhaqan gashay.  Mar kastaba, inta badan, haddii aanay mar walba aheyn, sharci dejiyeyaasha Soomaalida waxay joogaan Nairobi.

Waxaan isugu geyneynaa mid ka mid ah Hoteeladeena waxaana u qeybineynaa sharcigii lagu kala qeybiyay dalkooda.  Markii ciidamadii huwanta ay Jarmalka ka xoreeyeen Fuhrer Adolf Hitler, waxay u direen sharcigii Berlin. Qarashka nooga baxayo isku fidinta Soomaaliya waxaa laga bixin doonaa Muqdishu.  Sida la ogyahay, Soomaaliya waxaa dhex ceegaaga saliid fara badan, gaas dabeeci ah, macaadinta uranium-ka iyo iron ore.

Wax yar kaddib un markaan isfidino, waxaan macsuumi doonaa saaxiibadeena aan isku ujeedada nahay ee wadamada dibadda (fadlan, maya china) in ay yimaadaan oo ay qeyraadka noo soo bixiyaan. Keenyaatigu waa in ay ogaadaan, in kasta oo ay Soomaaliya tahay dal bur-burburay ama fashilmay, haddana waxaa jira meelo ay ku fiican yihiin oo soo jiidasho leh.

Ayaga oo aanan laheyn hanaan dhaqaale oo degsan, haddana marka la xisaabiyo dakhliga guud ee dalkooda (its gross national income per capita is) waa US$600 (Sh40,000), halka uu kaayagana ka yahay $550 (Sh36,800).  Jaamacadahooda oo aanan qarash loogu tala galay laheyn ee ay mileeshiyooyinka hubeysan waardiyeen, saddex ka mid ah waxay Afrika kaga jiraan 100-ka ugu horeeya.

Sharciga adduunka waxuu mamnuucayaa in ay dowladi xoog ku gasho xuduud uu dal leeyahay iyo kuwo siyaasad ahaan u madax banaan. Soomaaliya labadaas midna malahan. Laakiin, sharciga sidoo kale waxuu aqoonsanayaa in aan dib loo celin karin howl dhamaatay sida wadamadii ka go’ay USSR iyo Yugoslavia, iyo isku balaarintii ama isku fidintii gobolka Texas.

Qawaaniinta caalamiga way neceb tahay in dib loogu noqdo howl soo dhamaatay, waa haddii la rabo adduunku in uu hagaago. Hadaanan isku fidin Soomaaliya hadda, waxaan noqon doonaa kuwo uu dhib kasoo gaaro dowlad la’aantooda oo ay yada la degto, mana noqon doono kuwo gaara qorshaho siyaasadeedkooda arrimaha dibadda ee ay gobolka ka leeyihiin, ama hanashada goolka aan rabno in aan hiigsano sanada 2030. Waqtigii Soomaaliya la’isku fidin lahaa oo la kala qeybin lahaa waa hadda, haddii aan sidaas yeelnana, dowladaha Mareykanka iyo Ruushka aad bay raali uga noqon doonaan.

Waxaa turjumay:

ADEN COLUJOOG, 
adencolujoog@yahoo.com

547612_524398580911242_1291293126_n

Voice Of Somali-Banaadir Post.

2 thoughts on “MAQAAL:- Qormadii uu DONALD KIPKORIR Soomaalida ugu gafay, dhulka Soomaaliyeedna Kenya iyo Itoobiya u kala qeybiyay oo Af-Soomaali lagu turjumay – By Aden Colujoog

  1. Pingback: MAQAAL:- Qormadii uu DONALD KIPKORIR soomaalida ugu gafay, dhulka Soomaaliyeedna Kenya iyo Itoobiya u kala qeybiyay oo Af-Soomaali lagu turjumay – By Aden Colujoog | farayarenewsblog

  2. Pingback: DHAGEYSO:-Cabdiraxmaan Raagge”Kenya iyo Itoobiya Horay ayay ukala Qeybsadeen Soomaaliya,Wax Cusub Ma ahan” | Voice Of Somalia

Comments are closed.