Nicholas Kay Ergeyga QM ee Somalia oo Bogga Twitter-ka Ku Sheegay Fashilkii uu Kala Soo Kulmay Maamulka Somaliland.

26267174Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Danjire Nicholas Kay, ayaa waxa uu Bartiisa Twitter-ka soo dhex dhigay Qoraal gaaban oo uu uga hadlaayo waxyaabihii uu kala soo kulmay Mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland.

Waxa uu Qoraalkiisa ku sheegay in Maamulka Somaliland uu kala kulmay soo dhaweyn diiran balse ay ka dhaga adeegen Arrintii uu ugu socday Maamulkaasi.

QoraalkanNicholas Kay ayaa waxaa kamid ahaa ‘’Socdaalkeyga Somaliland waa mid aan sidaa wakhti u qaadan waxa ayna ka dhaga adeegen inay aqbalaan Arrinta Xafiiska UNSOM laga furo Magaallada Hargeysa, taasina wax kama badaleyso guulaha ay Xukuumadda Somalia gaarsiinayaan balse waxa ay Khasaaro ku tahay Shacbiga Somaliland’’ Sidaa waxaa qoray Danjiraha.

Sidoo kale, waxa uu  Cambaareeyay Awoodaha ay adeegsaneyso Maamulka Somaliland isagoona farta ku goday in QM ay talaabo ka qaadi doonto haddii ay sidaasi kusii socdaan Maamulka Somaliland isla markaana ay jari doonaan gargaarada ay hayaan.

‘’ Isma aan laheyn Somaliland ayaa diidi doonto in Xafiiska UNSOM laga furo Magaallada Hargeysa balse waxaa muuqaneysa inaan gaari doono go’aan lamid ah kii aygaareen’’ Sidaa waxaa qoray Danjiraha.

Mr Kay, oo u muuqday inow ka damqaday go’aanka Maamulka Somaliland ayaa ka gaabsaday inuu Saxaafadda la hadlo, Hase yeeshe wuxuu farriimo kooban oo Diblomaasiyadeed ku baahiyay barta uu ku leeyahay Twitterka iyo barta uu xafiiskiisu ku leeyahay Facebook waxa uuna u qornaa sida “Somaliland waxay warwar ka muujisay shaqada UNSOM. Waa wakhtigii la is dejin lahaa.

Xafiisyada UN-ka mar walba waa la helayaa, caawimana way gaysan karaan. Waan dulqaadan doonaa.” ayuu siiraaciyay hadalka Nicholas Kay, oo uu ku qoray bartiisa Twitterka, ka dib markii uu ka dhoofay Magaalada Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, Danjiraha ay u soo magacaabeen Somalia ayaa waxa uu hanjabaad kulul u diray maamulka Somaliland isagoona ugu goodiyay in tallaabo ada ay ka qaadi doonaan.

26202550

Voice Of Somalia-Banaadir Post.