Waa Barnaamijyo wax tar u leh ummada muslimiinta ah ee Soomaaliyeed oo maqal ahhalkudheggiisuna yahay (Isma Badasho Diintuye Aadmigaa Dayooba).
Qeybta kowaad waxay ka hadleysaa, hana qaadkii dacwada salafiga iyo caqabadihii ay kala kulantay dowladdii shuuciga ahayd ee Kacaanka.
Waxaa ka qeyb galay Sheekh Xassan Daahir Aweys , Sheekh Mustaffa Alsalafi, Sheekh Jaamac Cabdisalaam, Sheekh Maxamad Axmad (Balli) iyo Dr Xanafi Cabdi Sheekh Aadan.
Sidoo kale waxaa qeyb ka ah kalimad taariikheed muhiim ah oo uu jeediyay Al-qaari Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi.
DHAGEYSO:- Isma Badasho Diintuye Aadmigaa Dayooba.Qeybta-1-aad
Maxaad kala socotaa dagaalkii ugu horeeyay ee ay galeen Itixaadka iyo halkii uu ka dhacay? suurad noocee ah ayuu xambaarsanaa dagaalkii buundada Araare ee ay Kismaayo kula galeen USC iyo kii Bari ee lala galay Cabdullaahi Yuusuf?.
Barnaamijka waxaa kale oo lagu soo bandhigay habkii ay Itixaad uga hawl galeen Soomaali galbeed iyo dagaaladii ugu cuslaa ee ay gaalada Itoobiya la galeen horaantii sagaashamaadkii.
DHAGEYSO:- Isma Badasho Diintuye Aadmigaa Dayooba.Qeybta-2-aad.
Maxaa ka jira in la kala diray mujaahidiintii gobolka Bari? Mase la socotaa in qorshihii kala dirista ay ku waasheen rag mujaahidiin ah?.
Sidoo kale qeybtan ayaa waxaa lagu muujiyay dowrkii ay mujaahidiinta Itixaad ka qaateen dagaalkii UNISOM ee ka dhacay Muqdisho.
Dhanka kale maxay ahayd natiijadii uu kusoo idlaaday duulaan Saliibi ah oo cir iyo dhul is heystay oo reer galbeedka iyo Tikreegu ku qaadeen mujaahidiintii Soomaali galbeed?.
Intaas iyo in ka badan oo ay ku jiraan qodobo sharaxaya sidii ay madaxda Itixaad ugu kala bayreen jihaadka iyo xaqa ayaad kaga bogandoontaa barnaamijka insha’allaah.
Ka qeyb galayaasha waxaa kamid ah:
1-Sheekh Cabdullaahi Raabi Kaahin
2-Sheekh Xassan Daahir Aweys
3-Ust. Xassan Fayooke
4-Sheekh Cabdiqani (Kaba Jecel)
5-Sheekh Maxamad Axmad (Balli)
DHAGEYSO:- Isma Badasho Diintuye Aadmigaa Dayooba.Qeybta-3-aad.
Qeybta afaraad ee barnaamijka ayaa waxaa looga hadlay habkii ay u dhaceen dagaaladii ay amxaaradu ku qaaday mujaahidiintii Gedo sannadku markuu ahaa 1996-kii.
Saameyn intee la eg ayuu duulaankii Gedo ku yeeshay walaalihii ka jihaadayay Soomaali galbeed? sideese duulaanka Gedo u arkayeen madaxdii Itixaadka ee horey usoo maja xaabiyay walaalihii Bari?.
Qodobadaasi iyo kuwa kaloo ay kamid yihiin aasaaskii Ictisaamka iyo sababaha keenay ayaad ku dhageysan doontaa barnaamijka Insha’allaah.
Ka qeyb galayaasha:-
1-Sh/Maxamad Aadam Buraale
2-Sh/Maxamad Axmad (Balli)
3-Sh/Maxamad Bashaar C/kariin
4-Sheekh Aadam kheyr
5-Sheekh Cabdiqani (Kaba jecel).
DHAGEYSO:- Isma Badasho Diintuye Aadmigaa Dayooba.Qeybta-4-aad.
Mudadii u dhaxaysay labadaasi dowladood waxaa wadanka ka dhacay isbadallo aad loogu diirsaday iyo kuwa lagu baaba’ay oo ummadda u horseeday dhibka ay illaa maanta ku jirto.
Xalqadii hore waxay inoo joogtay iyadoo wadaadada Ictisaam af-gambiyeen mujaahidiintii Gedo, laakin sida aad xalqadan ku dhageysan doontaan mujaahidiin kale ayaa kasoo daahiray koofurta.
Waxaa kale oo uu barnaamijku ka sheekeynayaa sida uu ku yimid mashruucii ay hogaamiye kooxeedyada ku iibsan jireen culimada iyo qaabka ay ku yimaadeen maxkamadihii beelaha oo markii dambe isku badalay gole ballaaran oo saameeyay inta badan dalka.
Muxuu ahaa hadafka ay Xabashi ugu soo duushay dalka una burburisay maxaakimtii? Ictisaamku ma ka qeyb galeen dagaalkii lala galay Nasaarada Itoobiya? Caqiido ahaanse maxay u arkayeen dowladdii Xabashida la socotay ee Cabdullaahi?.
Qodobadaas iyo kuwa kale oo ay ku jiraan inxiraafkii Shariifka iyo mowqifka ay Ictisaamku ka istaageen dowladdiisa ayaad ku dhageysaneysaan Barnaamijka Insha’alaah.
Xalqadan waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah culimada diinta islaamka, sidoo kale waxaa ku jira kalimado ay jeediyeen culimo Soomaaliyeed.
1-Sh/Jaamac Cabdisalaam
2-Sh/Maxamad Bashaar
3-Sh/Axmad Cabdisamad
4-Sh/C/raxmaan Sh/Cumar
5-Shariif Sheekh Axmad
6-Sh/Maxamad Cabdi Umal
7-Sheekh Mustafa X/Ismaaciil.
DHAGEYSO:- Isma Badasho Diintuye Aadmigaa Dayooba.Qeybta-5-aad.
Qodobada uu barnaamijka sida khaaska ah u taabtay ayaa waxaa kamid ah shirkii dhagarta ahaa ee loogu magac daray musaalixada kaasoo ay shisheeyuhu usoo wakiisheen ururka Ictisaam.
Maxaa ka jira in shirkaasi ay fashiliyeen culimo rabaaniyiin ah oo dalka iyo dibadda joogtay kadib markii ictisaamku ku dhawaaqeen qodobo lagu soo dhaweysanayo gaalada (Amisom) mujaahidiintana lagu fogeynayo?.
Madaxda Ictisaamku maxay dareemeen markii rag muhim ah ay ka bexeen jamaacadooda maadaama ay fagaarayaasha lasoo istaagtay inxiraaf ka daran kuwii hore.
Intaas iyo in ka badan ayaa lagu faahfaahiyay barnaamijka, waxaana ka dhex muuqda codadka culimo marti inoo ahayd iyo kuwa aan codadkooda soo qaadaneyno Insha’allaah.
1-Sheekh Xassaan Xuseyn Aadam
2-Sheekh Maxamad Bashaar C/kariim
3-Sheekh Cumar Iimaan Abuu Bakar
4-Sheekh Jaamac Cabdisalaam
5-Sheekh Bashiir Axmad Salaad iyo dad kale.
DHAGEYSO:- Isma Badasho Diintuye Aadmigaa Dayooba.Qeybta-6-aad.
Qeybta 7-aad ee barnaamijka ayaa waxaa looga hadlay sababti ka dambeysay in Itoobiya la hoos geeyo maamulka Nasaarada Itoobiya.
Muxuu ahaa dowrka ay Ictisaamku ka qaateen dhiibidda maamulkaasi? Maxaa isba badalay nolosha iyo dhaqanka dadka Soomaali galbeed tan iyo markii la hoos geeyay Tigreega?.
Barnaamija waxa uu soo bandhigayaa heshiisyo qarsoodi ah iyo kuwa muuqday oo dhex maray Milles iyo hogaankii maamulka ee ku xirnaa Ictisaamka.
Waxaan meesha ka marneyn waxa sharciga Islaamku qabo is dhiibidda la isku dhiibay maamulka Nasaarada ah ee Itoobiya.
Muxuu Melles ka yiri’ is dhiibadda maamulkii Soomaali galbeed? Maxaa ka jira in uu ku jeesjeesay qabaa’ilka qaar ee Soomaalida? Hadaladii Milles ayaa qeyb ka ah barnaamijka Insha’alaah.
Barnaamijka waxaa nagala qeyb galay Sheekh Cabdullaahi Raabi oo mar masuul kasoo noqday Soomaali Galbeed, Sheekh Cabdiqani Kaba Jecel iyo Sheekh Jaamac Cabdisalaam. Sidoo kale waxaa barnaamijka ku jira kalimado munaasabadda quseeya oo ay jeediyeen qaar kamid ah wadaada Ictisaam.
DHAGEYSO:- Isma Badasho Diintuye Aadmigaa Dayooba.Qeybta-7-aad.
Qeybta 7-aad ee barnaamijka ayaa waxaa looga hadlay sababti ka dambeysay in Itoobiya la hoos geeyo maamulka Nasaarada Itoobiya.
Muxuu ahaa dowrka ay Ictisaamku ka qaateen dhiibidda maamulkaasi? Maxaa isba badalay nolosha iyo dhaqanka dadka Soomaali galbeed tan iyo markii la hoos geeyay Tigreega?.
Barnaamija waxa uu soo bandhigayaa heshiisyo qarsoodi ah iyo kuwa muuqday oo dhex maray Milles iyo hogaankii maamulka ee ku xirnaa Ictisaamka.
Waxaan meesha ka marneyn waxa sharciga Islaamku qabo is dhiibidda la isku dhiibay maamulka Nasaarada ah ee Itoobiya.
Muxuu Melles ka yiri’ is dhiibadda maamulkii Soomaali galbeed? Maxaa ka jira in uu ku jeesjeesay qabaa’ilka qaar ee Soomaalida? Hadaladii Milles ayaa qeyb ka ah barnaamijka Insha’alaah.
Barnaamijka waxaa nagala qeyb galay Sheekh Cabdullaahi Raabi oo mar masuul kasoo noqday Soomaali Galbeed, Sheekh Cabdiqani Kaba Jecel iyo Sheekh Jaamac Cabdisalaam. Sidoo kale waxaa barnaamijka ku jira kalimado munaasabadda quseeya oo ay jeediyeen qaar kamid ah wadaada Ictisaam.
Maxaa ka jira in wadaaduhu radiyaan dadka gaala raaca ah ee aaney isku qabiilka ahayn sidoo kalana soo dhaweystaan ninka gaala raaca ah ee ay isku heybta yihiin? Ma dhab baa in wadaad ictisaamka ka tirsan horeyna u radiyay Cllhi Yuusuf, meel masjid ah kusoo dhaweeyay Farmaajo?.
Aqoonyahano cabiraya waxa keenay masiibadaasi ayaad barnaamijka ku maqli doontaa iyadoo Ictisaamka qudhooda kaalin fiican laga siiyay barnaamijka.
Sidoo kale waxaa barnaamijka ku jira fadeexaddii ay Ictisaam kala kulmeen qurba joogta Soomaalida, kolkii ay bilaabeen in ay taageero u raadiyaan ciidamada gaalada ah ee (Amisom) la baxay.
Ictisaamka waxaa laga hayaa codad duuban oo ay ku xaaraantinimeeyeen qawaaniinta wadciga ah iyagoo daliishanaya aayado Qur’aan ah iyo axaadiith, maxaa keenay in xilligan ay taageeraan una tartamaan dasaatiir ay dad badan usoo dileen?.
Maxaa Ictisaamka ku kallifay in iyagoo boqolaal ah la dagaalamaan Sheekh Xassaan Xuseyn Aaadam dhiigiisana banneystaan? Qodobada barnaamijka lagu tiigsaday ayaye kamid tahay arintaasi.
Waxaan meesha ka marneyn soo bandhigidda tallaabadii ay Ictisaamka ku garab istaageen duulaankii Kenya kusoo qaaday dalkeena sannadkii 2011.
Ma dhab baa in CIA-du ilo firfircoon ku dhex leedahay Ictisaamka? Qodobadaasi iyo kuwa kale ayaa barnaamijka lagu lafa guray.
Dadka ka dhex muuqda oo isugu jira culimada rabbaaniyiinta iyo ictisaamka ayaa waxay kala yihiin:
1-Sheekh Xassaan Xuseyn Aadam (Abu Salmaan).
2-Sheekh Cali Cabdullaahi (Cali katiin).
3-Sheekh Jaamac Cabdisalaam
4-Sheekh Maxamad Aadam Buraale
5-Sheekh Abuu Cabdiraxmaan
6-Sheekh Maxamad Cabdi (Umal)
7-Sheekh Maxamad Idiris
8-Sheekh Axmad Nuur
9-Sheekh Shakuul iyo dad kale.
DHAGEYSO:- Isma Badasho Diintuye Aadmigaa Dayooba.Qeybta-8-aad.
Ma dhab baa in Ictisaam iyo Mareykan ku heshiiyeen in ay ku wada goobtaan ama isugu tagaan mujaahidiinta? caddeynta arimhaasi ayaa kamid ah barnaamijka.
Maxaa ka jira in Ictisaamku si toos ah u baneysteen dhiiga dadka muslimiinta ah sida:-Sheekh Xassan? sidoo kale ma dhab baa in maamulada dimuqraadiga ah u fatwoodeen cabidda dhiiga dadka sunada ka muuqato ee ay soo qabtaan ciidamada ashahaado la dirirka?.
Hab noocee ah ayey maamulada ashahaado la dirirka uga faa’iideysteen fataawaha Ictisaamka ee u xalaaleeyay dhiigga ardayda, haweenka muxajabaadka ah, culimada iyo salaadiinta?.
Yaa culimo ah? yaa diinta laga qaadanayaa? halkee buu ku jira xalkeena, aduun iyo aakhiraba? qodobadaas iyo kuwa kale oo aan idiin qarineyso ayaa ku jira barnaamija, waxaadna ka dareemi kartaan culimada martida ku ah iyo kuwa aan codadkooda usoo qaadaneyno cadeymaha waxa laga hadlayo.
1-Sheekh Xassaan Xuseyn Aadam (Abu Salmaan)
2-Sheekh Cabdiqani (Kaba jecel)
3-Sheekh Jaamac Cabdisalaam
4-Sheekh Maxamad Cabdu (Umal)
5-Sheekh Maxamad Ismaaciil
6-Sheekh Abuu Cabdiraxmaan
7-Nabadoon Yaasiin Cabdisamad
8-Sheekh Axmad Cabdisamad
9-Sh/ C/raxmaan Sheekh Cumar iyo dad kale.
DHAGEYSO:- Isma Badasho Diintuye Aadmigaa Dayooba.Qeybta-9-aad.
Copyrigt-ka Codka Waxaa iska leh Radio Alfurqaan
Voice Of Somalia-Banaadir Post.