DHAGEYSO:-AMISOM “Ciidankeenna Shacabka ay dilaan looma qabsan karo sababtoo ah dowladda ayaa noo saxiixday”

Taliska ciidanka shisheeye ee Xoogga ku jooga Koonfurta Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay amar u qabaan xasuuqa shacabka Rayidka Soomaaliya.

Guddi Soomaali oo is xilqaamaya  oo dabagala xasuuq ay AMISOM ka geysatay Soomaaliya ayaa sheegay in AMISOM kala kulmeen jawaab celin layaab leh.

Abuukaato Keenidiid Cabdullaahi Cali oo madax u ahaa guddiga dabagalka tacadiyada AMISOM ayaa sheegay in saraakiisha AMISOM waxbakama jiraan kasoo qaadeen dadkii lagu xasuuqay Kismaayo,Muqdisho,Marka,Baraawe, Baydhabo iyo Afgooye.

“Guddiga dabagalka xadgudubyada AMISOM ayaa  kulamo isdaba joog  la qaatay saraakiisha AMISOM laqaadanay waxay noo qireen in tacadiyo u badan dilal ay ciidankoodu geysteen balse aan loo raacan Karin”ayuu yiri Abuukaato Keenidiid.

Taliyaasha AMISOM waxay soo bandhigeen heshiis ay kala saxiixdeen Cabdulaahi Yuusuf, Shariif Sheekh Axmed,Xasan Sheekh   iyo Midowga Afrika”AMISOM” oo dhigayay in aan AMISOM loo qabsan Karin dadka ay ku disho Soomaaliya.

“Taliyaha AMISOM wuxuu noo sheegay in heshiis uu dhanka Soomaaliya u saxiixay Cabdi Kariim Faarax Laqanyo oo sanaddii 2007 Addis Ababa ka dhacay uu dhigayay in AMISOM ay ilaaliso madaxda dowladda haddii shacab ladilana aan loo raacan Karin sababtoo ah shacabka ilaalintiisa waxaa ka horeysa ilaalinta madaxda”ayay ku jawaabeen saraakiisha AMISOM.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS