Xijaabka oo ah waajib lagu leeyahay dumarka inay xirtaan inta badan waxaa uu sanado badan ahaa mid laga faano oo xitaa iskadaa kuwa gaalad ahe hablaha Muslimiinta ay meel kaga dheceen.
Dayaca waajib Allaah ku saaray ayaa ka dhigan Qatar weyn oo loo bareero waxaana dad badan oo xijaabka ka dhega adeygay qabsaday cuquubooyin deg deg ah oo uu Allaah ku tusiyay aduunka dushiisa.
Qaar kale oo aan xitaa Muslimiin ahayn ayaa Allaah ku cadaabay cudurro badan waxaana ay ku waasheen inay tagaan isbitaallo waaweyn oo dunida caan ka ah si ay xal ugu helaan cudurro halis geliyay mustaqbalkooda.
Waxaana loo waayay cudurradaasi wax xal ah ilaa markii dambe dhibane kamid ah dadka xanuunsanaa lagula taliyay in cudurka asiibay oo ka dhashay ileyska qorax kaliya lagu xalin karo asturka jirka.
Haweeney Kirishtan ah oo lagu magacaabo Dennis Queen ayaa kamid ah dadka aan Islaamka ahayn ee Xijaabka u qaatay inay isku daweeyaan kadib markii ay asiibeen cudurro halis ah.
Dennis Queen oo ahayd markii hore haweeney caariyaad ah oo kaliya qaadata dharka ugu qafiifsan uguna gaagaaban ayaa waxaa la soo darsay cudurka Allergic-ga ee ka dhashay ileyska shucaaca qoraxda ee loo yaqaan Polymorphic Light Eruption (PMLE).
Cudurkan ayaa ah mid halis ah waxaana qofka qaba markii uu daqiiqado taagnaaod qorraxda dil dilaacaya jirkiisa iyadoo ay ka soo baxayaan finan gud guduudan oo xanuun badan taasi oo ku keeneysa qofka inuu hoos ilaa kor is xogo islamarkaana uu dhaawacyo badan yeesho dhamaanba jirkiisa.
Dennis Queen ayaa markii cudurkan uu haleelay waxaa ay la xiriirtay dhaqaatiir badan waxaana loo waayay wax daawo ah, laakiin nasiib wanaag dhaqtarkii Queen ayaa u sheegay inay dhibkan ka dhaxleyso qoraxda sidaasi darteed loo baahanyahay inay iska ilaaliso qoraxda.
Qoraxda oo ah shey aan laga dhuuman Karin ayaa ah midka cudurka u keenay Dennis Queen, waxaana markii qabarkaasi soo gaaray ay bilowday inay gasho feker dheeraad ah.
Waxaa ay ka soo baxday goobtii isbitaalka waxaana ay aragtay dumar Muslimaat muxajabaat ah oo gebi ahaanba daboolan tin ilaa cirib, waxaana ay fursad u aragtay inay xirato xijaabka Sharciga ah oo dhameystiran si ay kaga gaashaamato qoraxda.
Dennis Quee oo u dhalatay wadanka Britain ahna afartan jir leh afar carruur ah ayaa soo iibsatay dhowr xijaab oo ah nuuca waafaqsan Shareecada Islaamka si ay xal ugu heshi cudurka ragaadiyay, iyadoo si toos ah u bilowday xirashadiisa.
Queen ayaa markii ay xijaabka wadatay dhowr maalmood waxaa ay dareentay caafimaad iyo qalbi deganaan dheeraad ahh iyadoo iska halmaantay wel welkii dhanka caafimaadka ee heystay.
“Dabcan waa go`aan anigu aan xitaa shaqsiyan la yaabay, laakiin waxaan u qidmeynayay marka aan go`aankan qaadanayay sidii aan xal ugu heli lahaa dhibka caafimaadka iga heystay” ayay u sheegtay warbaahinta.
“Markii aan bilaabayay waan ku jaho wareersanaa, laakiin hadda waxaan heystaa kalsooni buuxda waayo xitaa astur ayuu ii noqday waxaana ka sokow caafimaadka aan helay ka nabad galay damaca badan ee raga faasiqiinta ah waayo jirkayga uma jeedaan oo waan xijaabanahay” ayay u sheegtay Dennis Queen iyadoo intaasi raacisay inay si aad ah uga heshay xirashada xijaabka aadna ay ula dhacsantahay xilligan.
“Inkastoo culays iga soo wajahayo kooxo xagjir ah oo igu dhaleeceynaya xijaabka aan qaatay hadana inkastoo aanan Islaam ahayn waxaan ku sii adkeysanayaa go`aankan waxaana si aad ah ii caawiya saaxiibadeyda oo ah gabdho Muslimiin ah” ayaya sidoo kale hadalkeeda sii raacisay Dennis Queen.
Dennis Queen oo sii hadleysa ayaa tiri “ Waxaan dareemayaa xoriyad iyo kalsooni dheeraad ah waxaanna dadka warbixintan aqrisan doona u sheegayaa inaan loo baahneyn inaad qarash badan ku bixiso dawooyin kala jaad ah iyo dhar qaas ah” waxaana ay intaasi raacisay “Wax walba xijaabka ayaa kaa kaafinaya waana badbaado ishu arkeyso oo lagu kalsoonaan karo”
Si kastaba ha ahaatee Dennis Queen ayaa la filayaa in sababta xijaabkan uu Allaah ku fahamsiiyo diinta Islaamka waxaana hadda gaaladu si aad ah u soo fahmayaan in diinta Islaamka oo lagu dhaqmaa ay kaa badbaadineyso cudurro badan.
Tusaale xijaabka waxaa uu kaa celinayaa ileyska qoraxda xad dhaafka ah dabeysha faraha badan iyo isha dadka ee sida tooska ah ugu dheceysa jirka dumarka, sidoo kale Zinada oo ah shey la xarimay ayaa gaaladu ogaadeen inay sal u tahay dhamaanba cudurrada halista ah, waxaana hadda bulshada Islaamku ay noqoneysaa bulshooyinka ugu caafimaadka badan dadka ku nool caalamka.
Voice Of Somalia-Banaadir Post.