Uhuru Kenyata oo Afur u sameeyay Culumo garab taagan!!

26864215Dad badan ayaa is weydiinaya miyuu Diinta Islaamka Qaatay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyaata Kadib Markii uu isagu yeeray Muslimiin iyo Culumo ka dhaqan Dalka Kenya isagoo Afur wadareed usameeyay.

Warbaahinta Kenya ayaa aad uhadal haysa arinkaan kadib markii Uhuro uu soo xirtay Astaamaha lagu garano dadka Muslimiinta ah, waxaa ay wateen labiska Islaamka sida cimaadaha Koofiyadaha iyo weliba qamiisyada.

Kenyatta naf ahaantiisa ayaa warbaahintu soo sawirtay isaga oo la moodo Sheekh Kitaab aqrinaya.

Uhuro Kenyaata Waa Nin gaal ah oo waliba ku faana diinta baadilka uu haysto iyadoo arinka uu sameeyay ay umuuqato inuu ku jeesjeesayo diinta islaamka.

Culumo badan oo ku sugan Dalka Kenya ayaa si weyn utaageersan Dowladda Kenya iyagoo qaarkoodba ku doodaya in Dowladda Kenya wax lala wadaagi karo oo lagali karo baarlaanka.

XIGASHO SABAAX.COM

26864215 (1)

Al ictisaam iyo Gaalo maxaa kala haysta.
Voice Of Somalia-Banaadir Post

Voice Of Somalia-Banaadir Post