WARBIXIN CAJIIB AH:-AMISOM oo bahdileysa Dowladda federaalka ah iyo Reer Muqdisho oo waagu ku beryey.

pizap.com14507856133771.jpg

Dagaal diimeedkii kasocday dalka Soomaaliya ayaa hadda lamoodaa in daaha laga qaaday ayadoo markii horeba ay dadka badankiisu ogaayeen halka uu kusoo biya shuban doono duulaanka daboolan.

Muddo aan dhoweyn ayeey ciidamada madoow ee calooshood ushaqeystayaasha ahi bilaabeen inay muujiyaan awoodda ay kuleeyihiin dalkeenna hooyo,ayagoo noo caddeeyey inay haystaan ogolaansho kufilan oo muujinaya inaan loo qabsan karin wax alla wixii tacadiyo ah oo ay ugeystaan shacabkeenna soomaaliyeed,ayadoo taas bedelkeeda ay muteysanayaan abaalgud iyo mahad celin.

Waxaan hore uxaqiiqsanay inaysan suurtagal ahayn in qof ayaga (AMISOM) katirsan aan xataa haddii dambigiisa laqarin waayo lagu maxkamadeyn karin dhulka soomaaliyeed ee loo bedelayo dalkii uu kayimid ee Uganda,Burundi ama sera leon iwm. taasoo aan la ogeyn meeshuu ku dambeeyey iyo wixii laga yeelay intaba.

Waxaa intaas sii dheer ayadoo askarta Amisom qaarkood ay dhibsadeen dagaalka saacad laha ah ee ay kula jiraan geesiyada soomaaliyeed ee harsiga iyo hoyaadkaba udiiday ,dabadeedna ay si ulakac ah dambiyo ugalaan ayagoo doonaaya in laxiro ama dib loogu dhoofiyo dalkoodii hooyo si ay uga nabad galaan dagaalka aanjixinjixa lahayn ee ay lakulmaan maalin walba.

waxaase nasiib darro ah inaanba loo qabsanin dambiyada ay geystaan sidaasna ay qaarkood ku nafwaayaan.

Amisom dhammaan magaalooyinkii ay qabsatay waxay sharaf dhac ugasoo hoysay Dowladda Federaalka ah kadib markay shacabkii kula kacday dhac ,kufsi iyo isbaarooyin ay ku amartay askarta soomaalida ah ee ayada carro tuurka u ah.

waxay amisom kasameyso degmooyinka faro kutiriska ah ee ay qabsatay ayaan ahayn wax kadhici kara wadan dowlad leh oo xataa gaalo ah.

Amisom waxay isku daydaa inay sameyso waxwalba oo kasoo horjeedo ama bilcaksi ku ah wixii  XSHM Mujaahidiin kasameeyaan gobolada ay kataliyaan.waxay burburiyeen nabadgelyadii,waxay cusbooneysiiyeen dagaal beeleedyadii lagasoo gudbay,waxayxijaabka kadhigaan dumarka sharafta leh ee soomaaliyeed,waxay hirgeliyeen kufsi wadareed cajalado laga duubayo si ay uga ganacsadaan.

Ficilada Amisom oo qullateynka dhaafay waxaa lamoodaa inay u shaqeynayaan dowlad aan dalkaba u dhalan oo aan dumarka iyo shacabkaba wax dan ah kalaheyn.waxaa lamoodaa inay Amisom awoodsiin siin (fullmakt) iyo sacab tumis kaheysato dowladda arimaha dibadda ee dalka soomaaliya.

Waxaase ugu xanuun badan markii Duyuusiinta qalabka sida ay gabdhaha walaalahood ah ka iibiyeen cadowgooda dalka qabsaday ee Amisom,halka uu shacabka xamarna ay daawadayaal kayihiin ruwaayadda fidno Qaran ee uu atooraha kayahay Xasan Culusoow.

“adinkoow adeegaye ayagu maba awoodeene,amran oohinteediina way eedi doonaane”

W/Q, Xagaleey.

 

Voice Of Somalia-Banaadir Post.