Qurba joogta dhooftaye
qaaraddeenni aadaye
qarankeeni Soomaal
baan quruxsaneynaa
qof qof noogu sheegayey
qaladkay sameeyeen
baan qiyaas lahaynoo
laga qooma maynayey
Qamri iyo Xashiish iyo
Qaad iyo Sigaar baa
lagu qoon sanaayooy
Qaraabadii u geeyeen.
Qiimaynta aadmiga
qodabada waxdheefka leh
qoraalkiyo aqoontiyo
qalad saarka noloshiyo
beerahooy qotaan iyo
qarash gelin badeed iyo
qibrad baan sugeynaye
qasaaraha maxaa baday?
Fannaan lagu qamaamoo
qar katuurka leylkiyo
qoob cayaarka Heesaha
qarash badan ku qaatoo
agoon qado kasiinayn
qaran hiillin maahee
qeylo quuta yaashii
miyaad kheyr ka dhowrtaan .