DHAGEYSO:-TARSAN OO AMAR KU BIXIYAY INAANEY DADKA MUQDISHO AASI KARIN MEYD AANEY ISAGA SOO MARSIIN. MAXAY TAHAY SIRTA KU JIRTA?

 Tarsan ayaa ah  shaqsi aad looga yaqaan Muqdisho iyo Qurbaha London oo ka yimid,dhaqanada Muqdisho Tarsan ku xusuusato waxa ka mid ah.
Wuxuu amar ku bixiyay hadda kadib in lajoojiyo dadka la iska aaso ee ku dhinta magaalada Muqdisho,wuxuu amray waa in la soo marsiiya Gobolka Banaadir iyo CID ama waxa hada loo yaqaan NISA.

Tarsan ayaa weli usoo taagan inow markale ku soo noqdo dadka Muqdisho ku dhaqan oo la daala dhacaya dhibaatada Qurbajoogta dabadhilifka ah oo aan ka naxayn Diin,Dad iyo Dal intanba, iyaga oo fiirsanay kaliya waxay jeebka ma EVC ka dhigtaan.

Tarsan  ayaa shaaca ka qaaday inaanu hadda kadib aqbali doonin in la iska aaso dadka ku dhinta magaalada Muqdisho, isagoo amar ku bixiyay in meydadka dadka reer Muqdisho ee dhinta la marsiiyo xarunta CID.

 

Tarsan ayaa sheegay in arintan ay qeyb ka tahay is diiwaan galinta dadka sidaa darteedna loo baahyan yahay in war baahintu ka gadaan shacabka maadaama ay tahay arin cusub.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u hadal haya warka kasoo baxay gudoomiyaha gobolka Banaadir ee ah in qof walba oo xamar ku dhinta meydkiisa la marsiiyo xarunta dambi baarista ee CID.

Siyaasiyiin ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qorshahan uu wado Tarsan ku tilmaamay mid khatartiisa leh oo u sacyinaya dhammaan wadamada cadawga ku ah Soomaaliya si ay u helaan macluumaad ku aadan inta qof ee maalintiiba ku dhimata magaalada Muqdisho.

Siyaasi diiday in magaciisa loo adeegsado war baahinta kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa inoo sheegay in hawsha uu wado Tarsan ay soo dajiyeen hey’adaha sirdoonka reer galbeedka oo ay ugu horeyso tan Ingiriiska MI6, kuwaasoo doonaya buu yiri: iney ogaadaan inta qof ee ku dhimata Xamar maalintii, da’da u badan ee dhimata iyo waxa u sababta ah.

Siyaasigu wuxuu sheegay in haddii sirdoonka shisheeye helaan tira koobka dadka jooga Muqdisho, noocyadooda, tirada dhallinyaradooda iyo inta maalintiiba dhimata, waxaa aad u sahlan in magaalada si toos ah loo qabsado.

 

MILKIDA MAQALKA WAA LEH RADIO ALFURQAAN.

idtarsan134

voice Of Somalia-Banaadir Post