Dagaalo Maalintii 3aad ka Socda Qeybo Kamid ah Gobalka Bakool iyo Qasaaraha Xabashida oo sii Kordhaya.

30206407

Wararka ka imaanaya dhanka gobalka Bakool waxey sheegayaan in markale saaka dagaal dib uga qarxay wadada isku xirta Ceelbarde iyo Xudur halkaasi oo shalay ay ka dhaceen dagaallo xoogan  oo u dhaxeeyay ciidamada Alshabaabul Mujaahidiin  iyo kuwa gumeystaha Xabashida Itoobiya iyadoona ay sii kordhayaan qasaaraha Xabashida lagu gaarsiiyay dagaaladaasi.

Goob joogayaal ka dhaw goobaha dagaalka ayaa  xaqiijiyay  in ciidamada Mujaahidiinta saaka aroortii weeraro rogaal celis ah markale ku qaadeen ciidanka Xabashida oo xalay gabalku ugu dhacay duleedka tuulada Teed ee gobalka Bakool.

Dhawaaqa rasaasta iyo madaafiicda labada dhinac isweydaarsanayaan waxaa si aad ah looga maqlayaa dhulka howdka ah,dhinaca kale warar laysla dhaxmarayo oo aan wali la xaqiijin waxey sheegayaan in dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Ceelbarde lagu dilay Max’med Cabdi Tool guddoomiyihii gobolka Bakool ugu magacaawnaa kaas oo dagaalka qeyn ka ahaa,Xabashidana miinobaar u ahaa.

Sidoo kale wararka qaar waxey  sheegayana in Tool uu saarnaa gaari Uuraal ah oo madfac nuuca garbaha laga tuura ah ay laheleen ciidanka Shabaabku, gaarigaasi iyo waxii saarnaay ayaa la xaqiijiyay iney baaba’een.

WIXII KA SOO KORDHA WAAN SUGAYNAA,INSHALLAH.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Image