Jariidada todobaadlaha the Economist ayaa cadadkeedii ugu dambaysay kaga hadashay duulaanka cusub ee Itoobiya iyo saamaynta uu reebayo iyo mustaqbalka madow ee dowlada Xassan Sheekh.
Jariidada waxay ku bilowday warbixinteeda in ay adagtahay in sare ay u qaato kaalmada “beesha caalamka” dowlada federaalka tabardarida ay la liiceyso awgeed oo ay u dheer tahay musuq maasuq hareeyay taasoo ay ka dhawaajisay ina Abraar haweeneydii Novemebartii la soo dhaafay. Waxay kaloo dhawaajisay jariidada in Xassan Sheekh markii horeba lagu soo xushay si musuq maasuqnimo ( waa halka Soomaalida ku maah maahdo hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho).
Xaqiiqdiina maanta deeq bixiyaashii diyaarka la ahaa inay ka aamin baxeen waxayna ka joogaan qadyaan musuq maasuqan hareeyay dowladiisa. Falanqeeyaasha u dhuun daloola arimaha Soomaaliya waxay tibaaxayaan in laba sano oo uu Xassan Sheekh ka qeyb galayay shirar caalami ah oo loogu balan qaadayay deeq lacageed aanu wax natiijo ah ka haynin maantana sida loo karaahaystay iyo taageerada uu haystona ay aad uga hooseyso midii uu haystay Shariif Sheekh Axmed maalmihiisii ugu dambaysay. “ sarta meesha ay ka quruntay waa Soomaaliya oo aan lahayn nidaam leh meel loogu soo hagaago iyo sidii dowlada ay u shaqayn lahayd oo aan si cad loo qeexin” sidaa waxaa yiri sidaas Cedric Barnes oo ka mid International Crises Group.
Waxaa intaas u dheer qatarta joogtada ah ee uga imaanayso Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo dhul baaxad weyn weli ka talisa oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya geysteyna bishii la soo dhaafay ee February sedex weerar oo waaweyn oo ay ku jirto kii ay gudaha ugu galeen aqalka madaxtooyada ee xarunta u ah dowlada federaalka.
Sida ay Qaramada Midoobay ku haminayso waxay doonaysaa Soomaaliya inay ka dhacdo doorashooyin ku salaysan qaab dimoqraadi ah oo ah “one man, one vote” in ruux walba uu codeeyo sanada 2016. Qorshahan ayaa wajahaya dhowr caqabadood oo kala ah mid waa kala qaybinta goboladii Soomaaliya oo dowladii Xassan sheekh ay yar tahayba wax u soo haray iyo Shabaab oo hada xoojisay weeraradii ay ka geysanaysay caasiamada Muqdisho ayadoo hada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho aysan dowlada federaalka si buuxda uga talin.
Duulaanka Itoobiya iyo saamayntiisa
Duulaanka horta leh ee ka dhanka ah Shabaab laguna dhawaaqay March 12 lagama yaabo inuu wax ka badalo xaalada iminka ka jirta Soomaaliya horumarka ay sameeyeen ciidamada Itoobiyana ee wata magaca Amisomna mahan mid wiiqi kara awooda Shabaab ama daciifin kara. Dhamaan aagagii ay soo weerareen ciidamada Itoobiyaanka waxaa laga yaabaa in ay ku keento dadkii inay dib u soo gocdaan cadaawadii soo jireenka ahayd ee ka dhaxaysay dowlada Itoobiya iyo Soomaaliya muqaalkii Xarakada Shabaab ee la xumeeyay horaana uu ka dhigo mid iftiimaya islamarkaana ka dhigo inay yihiin cida kaliya ee hor taagan cadowgaas soo jireenka ah. Sidaasna ay ku kobacdo taageeradii Shabaab ayadoo dhabar jab xag milatari iyo mid siyaasadeedba la filan karo.
W/D: Abuu Badriya