AMISOM oo ka Walaacsan xasilinta Magaalooyinkii ay Duullaanka ku Qabsadeen.

Image

Xilli duullaan Shareeco la dirir ah uu ka soconayo qeybo kamid ah Wilaayaatka dalka ayaa dhanka kale waxa uu dhiig bax ballaaran ku soconayaa Cadowga ku duulay deegaanadii lagu dhaqayay Shareecada Islaamka.

 

Ciidanka Xabashida Itoobiya oo horkacayay duullaan Gumeysi doon ah, ayaa waxaa soo muuqday durbadiiba fashilka ay ka dhaxleen ciidanka Ishabeysanaya ee ku duulaay gobalada dalka.

 

Taliska ciidanka Shisheeye ee AMISOM ayaa si cad u qirtay in goobihii ay duullaanka ku tageen ay hadda qaati ka taagan yihiin, maadaama shacabkii ku dhaqnaa ay ka barakaceen ciidamada Mujaahidiintane ay ku hareereysan yihiin deeganadaasi iyagoo Habeen iyo Maalin weeraro aan kala har laheyn kusoo qaadaya ciidankooda go’doonka galay!.

 

Ergayga Gaarka ah ee AMISOM u qaabilsan dalka Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif, ayaa shaaca ka qaaday Shalay oo Jumco aheyd in ciidamadooda ay ku adag tahay xasilinta goobaha ay qabsadeen isagoona xusay in Al Shabaab oo ku sugan duleedyada magaalooyinka ay joogaan ciidanka Shisheeye saacad walibane weerar ku ah goobihii ay baneeyeen.

 

Annadif oo wareysi siinayay Laanta Afka Faransiiska ee VOA, ayaa waxa uu sheegay in Degmooyinka iyo Deegaanada dhawaan ay qabsadeen ay adag tahay in lagu soo celiyo sidii hore isla markaane Maamullo Rayid ah loo dhiso.

 

“Waxaan dhihi karaa waxa ay gaareen ciidamada AMISOM guulo, maadaama magaalooyin muhiim ah ay la wareegeen, balse waxaa arrintaasi bar bar soconaya caqabado dhanka ammaanka ah oo ay wajahayaan ciidamadeena” ayuu yiri Mahamat Saleh Annadif oo hadlayay.

 

Mahamat Saleh Annadif waxa uu dareen cabsi ah ka muujiyay abaabulka ay wadaan dhalinyarada mutadawiciinta ah ee isku abaabulaya banaanka hore ee degmooyinka ay qabsadeen, isagoona ku tilmaamay arrintaasi mid keeni karta in dib looga riixo AMISOM goobaha ay sida rafaatka ah ku qabsadeen.

 

“Hadii aanu nahay Taliska AMISOM ka ciidan ahaaan ma awoodno sugidda Ammaanka, sababtoo ah howsha ciidamadeena waa in ay la dagaallamaan Al Shabaab oo kaliya, aad bey noogu adag tahay inaan sugno Ammaanka,” ayuu kusii daray Annadif hadalkiisa.

 

Ciidamada Shisheeye ayaa dhibaato weyn ku qaba goobaha ay qabsadeen, maadaama Magaalooyinka ay ku sugan yihiin ay ku hareereysan yihiin ciidamada Mujaahidiinta iyagoo saacad waliba gudaha u gali kara kana dhex dagaallami kara, waxeyna taasi wal wal iyo dhiig bax kusii kordhineysaa ciidamada Cadowga ah ee qabsaday Magaalooyin dhowr ah.

 

 

 
SOMNEWS.NET: Isha Wararka Sugan