DHAGEYSO:-Cabdi Ismaciil Samatar “Ciidamada Itoobiya Calankooda ayay ka Lalmiyeen Gobolada dhexe ee Soomaaliya waana astaan gumeysi”

Image

Duullaanka gardarada ah oo ay dowladaha shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya ayaa banaanka soo dhigay damaca gumeysi ee dowladaha afrikaanta ah ka leeyihiin dalka Soomaaliya.

Ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa Kenya ayaa larumeysanyahay in ay waxbadan ka duwanyihiin gumeystayaasha kale ee dallada AMISOM ku bahoobay.

Cabdi Ismaaciil Samaaciil Samatar oo kamid ah qurba joogta soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa kunool ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in ciidanka Kenya iyo kuwa Itoobiya ay bilaabeen in calankooda ay ku xardhaan magaalooyinka ay qabsadeen ee Soomaaliya.

“Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM waxay bilaabeen in ay calamadooda ka lalmiyaan meelaha ay gobolada dhexe ka qabsadeen,arrintaasi waxay shacabka soomaaliyeed ku dhalinaysaa dareen”ayuu yiri Samatar.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka Kenya ee Jubbooyinka qeybo badan ku sugan ay ku dhaqaaqeen ficillo muujinaya gumeysi sida iyagoo magaalooyinka qaar ku xardha calanka Kenya.

Voice Of Somalia-Banaadir Post