GABAY:-Damjadiid Hadeey Daacad yihiin laguma Diimeene,Darbi looma oodeen sidii Deero iyo Cowle

Image

Daa,uud Colooboow markaad duushay eed gaartay

dabcan Xaajo kaa dedan majirin waa dul taagneyde

dibadaha raggii laga daldalay loo Dastuur meershay

oo dowlad sheegtoo dalkale dawarsan moow jeeday

danyar deeqdi loowaday askari duudsin moow jeeday

madfacyada shisheeyoo ku deji deriska moow jeeday

Dayniile sida loo duqeyn daacad moow eegtay

Burundheyski loo diray sidii loo daldalay waagi

dibirtii haleeshiyo sidii duurka loo seexshay

oon cidiba duugeynin soow daacad uma eegin

dabakeen shisheeyuhu watoo dabacsan moow jeeday

kala duub dalkeenii galiyo dood xun moow jeeday

dallaal iyo wadaad loo diroo diriray moow jeeday

ALLE uma daraadeen hadeey dowsan marayaane

warhooy diinta soo raaca iyo diidnay moow jeeday

degdeg hadalka doorkaan haddeer dookh xumaantooda

isu daran dadkeenii waa teey kala didaayeene

waxoow daran uunbay doonayaan lagu dulleeyaahe

daalaa dhacoodaa qabyada loo damaashaado

danaanada Suufiyo xertii cadow lasoo duuban

digsi boobka damac reer u badan daacad moow eegtay

DAMJADIID hadeey daacad yihiin laguma diimeene

deyr looma oodeen sidii deero iyo cowle

may dureen diintooda wacan kuma dambaabeene

diricyada ma laayeeno waa damqi lahaayeene

doorsoonka qalbigooda galay daawo loo waaye

waana loogu dowgalay haddaad daacad eegtaaye

darajooyin beeneey xirteen nagu dilaayaane

ducadiyo quraankay dedaan kana didaayaane

dugsiyada quraankay xiraan iyo duqeydiiye

diktoorada dabaqyada dhistiyo shacab duruufeysan

oo digasho dheertahay haddaan laga dabaaqeynin

nooma diir naxaayaan sideey dooni weeyaane

dadweynuhu hadduu kici kaco intuu daain talo saarto

nabaduba madaahdeene taas daacad moow eegtay

doomaha la raaciyo tahriib doollar laga dhiibo

da*yartii lasaaraa badaha nacab ku daadshaaye

daraasiin lawaayaa jirtoon soo dib noqoneyne

iska daaya intaan leenahaaey dalaq yiraahdaane

wax uun bay ku dabbaali lahayd dowlad baan jirine

digniintaba inaan lagu kareyn daacad moow eegtay

docda bari illaa deex nugaal daaqba laga waaye

suntii ay ay ku duugeen hadeey weli duxeysaaye

geedihi dushoodii caleen daahdo laga waaye

cowskiina duulyoo majiro duunyo baadkeede

dabadaa lahaayaa ruqdii laguna daalaaye

meel looga duuliyo dhankii laga daneystaaba

inuu kala dambeyneyn dalkii daacad moow eegtay

dacalkaad ka eegtaba Cabdoow dabinku waayaale

cadowgaan dariiqyada bakool lagu dul geeraaray

haddaan dowlad leenahay marqura naguma duuleen

inkastoon dileynoo intaa dabar jarnoon layno

damaceedi weeyoo maharin dooro weyntiiye

doqon nimo waxaa noogu filan kana dardaarmaayey

kuwaad dowlad moodiin inay noo dalbaayeene

dayuus iyo malaal iyo miday duufsan mooyaane

war miyuu dalkeenuba lahayn ummad difaaceysa

kuwaan dayrineey daba gashaa nagu dabeysaaye

kuwii doonay oo doortay oo lagu daneysaayey

daydaygiyo ciyaal suuqyadii keenay daanweynta

amxaarada darxumootay bay dacalka haystaan

daawashada ka daayee dulmara dumiya oo ceyrsha

deelqaafka hadalkaan ku nacay maba damqaayaane

W/T; Xagaleey.

34158013