Doorasho ku sheegyadii Suuriya oo bilowday!

Image

Xilli dagaallo sanado qaatay ay ka socdaan intabadan dalka Suuriya ayay xukuumadda Bashaar Al-asad isku dayaysaa in ay caalamka jiha wareeriso iyadoo doorashooyin soo qaban qaabisay.

Majirto cid Bashaar Al-asad kula tartamaysa madaxtinimada waxaana lafilayaa in markii 3-aad uu isku magacaabo Madaxweynaha Suuriya.

Doorashooyin ku sheegyadu waxay ka dhacayaan magaalooyinka ay ciidanka Nuseyriga maamulaan gobolada dhaca waqooyiga iyo Bariga oo Mujaahidiintu gacanta ku hayaan haba yaraatee wax doorasho ah kama dhicin.

Saxafiyiinta firfircoon ee kacdoonka Suuriya ayaa waxa socda ugu magac daray “Doorashada Dhiigga iyo Riwaayadda”,magaalada Xalab oo ah magaalada 2-aad ee Suuriya ugu weyn duqeymo ka dhacay 21 shacab ah ayaa ku dhimatay.

Voice Of Somalia-Banaadir Post