VIDEO:-Raila Odinga oo ku Baaqay Ciidamada Kenya in laga soo saaro Dalka Soomaaliya.

Image

Raila Odinga oo  Reysulwasaare kasoo noqday Dalka Kenya ayaa la hadlay Soomaali badan oo ku dhaqan Wadanka Kenya.

Wuxuu ku baaqay in Ciidamada KDF si degdeg ah looga soo saaro Dalka Soomaaliya oo uu sheegay in la joogo waqtigii ugu habooneyd oo ciidanka lala soo bixi lahaa.

Odinga ayaa qiray in Nabad lagu helin Ciidamada Kenya ee galay Dalka Soomaaliya halkaasi oo ay kula dagaalamayaan Alshabaabul Mujaahidiin.

31075036

Xisbiyada Mucaaradka Kenya ayaa ku celcelinaya in Ciidamada Kenya laga soo daabulo Soomaaliya Halka Madaxweynaha Kenya uu ka biya diidsanyahay in ciidamadiisa kala soo baxo Soomaaliya.

Kenya oo Soomaaliya kusoo duushay sanadkii 2011 ayaa dhaxay hoos udhac dhaqaale iyo amnigeedii oo faraha kabaxay.

Voice Of Somalia-Banaadir Post