GABAY:-Markay habar dugaag noo shirtay nimanki hoos joogay,howsheey u dhiibteen ayaad horumar moodaane

31113324

Markay Habar Dugaag nooshirtay nimanki hoos joogay

howsheey u dhiibteen ayaad horumar moodaane

waxaad hiigsa neysaani waa lagu hallaabaaye

 

Hindisuhu halkuu nooga yimid laysma haybeyne

hanjabaadi dabadeed markuu hoolki idin geeyey

halhaleelki waa taad warqaha hoog saxiixdeene

 

Huuraale (Gaal) kaan haddeer nagu hor kaadaayo

inuu idin hogaamiyo haddaad hagarba moodeyne

waa kii halaageeda waday oon hambeyneyne

 

Idinkays hafraayee cidkale nama hujuumteen

wax kastay hadaaqaan haddaad hadal ka keeneynin

hud hud iyo inaad wada tihiin haatuf soow maaha.

 

Harar kuwii degay kol hore ee Hawaash qaatay

maantana haweystoo WABXO horin lasoo taagan

hadafkooda duulkaan hakayn ama na hoosaasin

ayaguu hareertooda yahay hal isma dhaamaane

inkastuu halyeey sheegan waa lagu hungoobaaye

 

Hirka Xabashaan timid kuwii soo horgalay maanta

ee hoos gelaayee u qabo inay hagaajeyso

goorteey hayaanteey hadhoow halafsan doonaane

ninkii heybta tiisa ah uhuray cadow maxaa haysta.

 

Ma harsado hooskiisa ruux uu hareer yaale

haasaawe guur baa lahaa lagu hanweynaaye

hambalyeyn waxaa mudan nimaan cadow u haateyne

 

Hergel maleh hurdaayoow halkaad hoow ka leedahaye

Halaq iyo Yaxaas baa degay Harimcad iyo tuuge

Hubka qaado hoygeeni waa laysku haystaaye

 

Hillaac aan da*ayn iyo hurfoow hogol wareegtaaba

harraad kaama gooyaan haddaad haan u culataaye

haku taamin hoobeey qabiil waa halaan jirine

 

Harkaan galay haweenkiyo raggii hal isma doorshaane

hammigoodi baa jabay xeraa lagu hareeyaaye

kolba heesti loo meeriyeey hoorinaayaane

waa hiigsigii baa layiri horumarkaa haaye.

W/T; Xagaleey.

Voice Of Somalia-Banaadir Post