DHAGEYSO:-Korneel Soomaaliyed oo talooyin dhaxalgal ah ujeediyay xukuumadda Kenya.

 Image

Col.Max’med Cali Cismaan oo lasoo shaqeeyay dowladdii Meleteriga Soomaaliya ayaa sheegay in Kenya aysan ka bixi doonin mashaakilaadka dhanka ammaanka illaa ay ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya.

isagoo wareysi siinayay idaacadda Alfurqaan ayuu talooyin muhiim ah ujeediyay madaxda Kenya ee shacabkooda khiyaameeyay isagoona ugu baaqay in ay faragelinta tooska ah soomaaliya ka joogaan.

“Kenya ma awooddo in dagaal aan dhamaad laheyn kusii jirto Nimanka shabaabka ah ee gudaha Kenya weerarada ka fuliya gar bay u leeyihiin in ay isdifaacaan sababtoo ah dalkoodi ayaa lagusoo duulay”ayuu yiri Col.Max’med Cismaan.

 “Kenya Itaal badan iyagoo aanan laheyn ayay soo galeen Dalka Soomaaliya waxay hadda ku sugantahay Hoog kamana hortagi karto weerarada shabaabku ka geysanayaan Kenya”ayuu yiri Maxamed Cismaan.

Hoggaamiyaal sarsare oo xarakada Al Shabaab katirsan ayaa horay ujeediyay baaqyo ku socda madaxda Kenya oo ah in ay ciidankooda Soomaaliya kala baxaan haddii aysan sidaasi yeelinna ammaankoodu ku xiranyahay ammaanka Soomaaliya.

HOOS KA DHGEYSO

Voice Of Somalia-Banaadir Post