DHAGEYSO:-Jaamac Cali”Madaxda Maamulka Kismaayo Kenya ayay kula Heshiiyeen inay Lawareegto Jubbooyinka iyo Gedo”

Image

Jaamac Cali oo kamid ah saraakiisha sare Ciidamada Barre Hiiraale ayaa wareysi dhinacyo badan taabtay bixiyay  isagoo ku sugan duleedka Kismaayo.

Wuxuu sheegay shir laba geesood ahaa oo dhacay 2009 in madaxda haatan hogaamisa Maamulka Jubba Kenya kula heshiiyeen in Kenya Loo gacan galiyo Jubbooyinka iyo Gedo.

HOOS KA DHAGEYSO

Jaamac Wuxuu tilmaamay oo uu qiray inay isku diyaariyeen weeraro ay ku qaadaan Magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose.

Dowladda Xamar fadhida  ayuu dhaliilay isagoo ku tilmaamay inay yihiin kuwa u adeega shisheeyaha oo lagu ihaaneysto Muqdisho.

Ciidamo badan oo laga saaray Kismaayo ayaa ku sugan Duleedka Magaalada waxaana wata Barre Aadan Shire oo dowladdu ay kaga baxday balan ay lagashay.

ISHA MAQAL WAA RADIOALFURQAAN.COM.