Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya Weerarkii Xeebaha Kenya

pizap.com14047320176561

Warar dheeraad ah oo naga soo gaaray weeraradii Xiriirka ahaa ee Xalay XSHM  ku qaadeen deegaano iyo tuulooyin ku teedsan Xeebaha Kenya ayaa ku waramaya in ay jiraan 3 Tuulo oo kale oo xalay la weeraray oo hoos yimaadda Hindi oo ku taala Laamu. sadaasina ay ku noqonayaan goobaha la weeraray xalay 5 goobood oo kala duwan.

Sidoo kale waxa aad u kordhay Khasaaraha dhimashada ee kasoo gaaray  Kenya weeraradaasi, waxayna cagacagaynayaan 50 dhimasho ah.

Weeraradan isdaba jooga ah ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay ka bilaabeen gudaha Kenya ayaa jawaab u ah weerarkii Kenya ay kusoo gashay gayiga Soomaaliyeed  gaar ahaan Jubooyinka iyo magaalooyin ka mid Gedo.

Voice Of Somalia-Banaadir Post

Twitt