SOMALIA & KENYA-Raila Odinga iyo Kumaanan Kenyan oo Dalbaday in ciidankooda laga soo saaro Soomaaliya.

31376946

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay dibad bax weyn oo rabshado watay kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka Kenya ee CORD.

 

Mudaaharaadayaal aad u badan isla markaane boorar waaweyn soo qaatay ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada caasimadda kuwaasi oo dareen kooda ku muujinayay banaan baxa iyagoona ku qeylinayay hal ku dhigyo ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta.

 31376952

Boqollaal shacab careysan ah oo isugu soo baxay wadooyinka caasimadda ayaa dhigay dibad baxyo rabshado watay waxaana la arkayay booliska oo adeegsanaya sunta dadka ka ilmeysiisa si uu ukala eryo dadka banaan baxa dhigayay.

 

Banaan baxa ayaa ahaa mid lagu taageerayay Xisbiga Mucaarad Kenya ee CORD waxaana dibad baxyaasha ay ruxayeen boorar lagu soo xardhay Sawirka Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Ra’ila Odinga.

 

Halku dhigga banaan baxayaasha ayaa ahaa dowladda Uhuru ha dhacdo iyagoona muujiyay in dowladda Kenya ay shacabkeeda u horseeday amni darro iyo bur bur dhaqaale midkii ugu darnaa abid ee soo mara dalka.

 

Dadka banaan baxyada dhigayay ayaa dalbanayay in dowladda ay wax ka qabato amni darrada dalka Kenya kajirta ama iska casilaan madaxda dalka xilka ay u ahayaan shacabka, iyagoona si gaar ah walwal uga muujiyay weerarada Xarakada Al Shabaab ay ka geysaneyso gudaha dalka Kenya.

 31377009

Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa weerarkii ugu dambeeyay ee ka fuliyeen gudaha dalka Kenya waxa ay ku dileen in ka badan 30 kamid ah Nasaarada Kenya waxeyna Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid loogu aargudayay dadka Muslimiinta ah ee ku xasuuqday dowladda Kenya gobolada Jubbooyinka iyo Gedo iyo waliba culimadii ay ku leysay magaalada Mombasa.

Voice Of Somalia-Banaadir Post