Weerar khasaara badan dhaliyay oo markale lagu qaaday dalka Kenya.

pizap.com14057712006281

Booliska Kenya ayaa faah faahin ka bixiyay weerar hor leh oo xoogag hubeysan ay ka geysteen deegaan hoos yimaad magaalada Lamu ee xeebta saaran.

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay markale lagu qaaday gudaha Kenya xilli ammaanka wadankaasi uu faraha kasii baxayay bilihii lasoo dhaafay.

Xoogag hubeysan ayaa gaari bas ah ku leexsaday dhulka howdka ah ee deegaanka Witu, Njenga Merri oo ah taliyaha booliska ee degmada Lamu ayaa waregeyska Daily Nation u sheegay in 5 qof oo lamid ah ay yihiin booliska lagu dilay weerarka cusub ee xoogaga hubeysan ku qaadeen Witu.

“Kooxo hubeysan ayaa gaari bas ah ku leexsaday dhulka howdka ah ee Witu durbadiiba booliska ayaa dabagal ku sameeyay kadibna 3 qof ayay toogteen 2 booliska katirsana way dileen”ayuu yiri Njenga Merri.

Bishii lasoo dhaafay Lamu waxaa ka dhacayay weeraro ay ku dhinteen inkabadan 100 qof oo Kenyan ah waxaana weeraradaasi sheegtay xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Soomaaliya kula dagaalamaysa soo duulayaasha Kenya iyo kuwa dahsoon oo dagaalka kula jira.

Voice Of Somalia-Banaadir Post