Hay’ada Mareykanka ee Peace Corps oo ka guurtay Kenya Amaandaro jirta awgeed.

thumb (1)

Ammaanka wadanka Kenya oo faraha ka baxay ayaa sababay in hay’adaha reer galbeedka ee ka howlgelayay gudaha wadankaasi ay isaga baxaan Kenya.

Mid kamida hay’adaha dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay xirtay xafiisyadeedii magaalooyinka waaweyn ee Kenya kadib hanjabaad loo jeediyay shaqaalaheeda.

Hay’adda Peace Corps oo ka shaqeysa arrimaha doorashooyinka iyo caafimaadka ayaa shaacisay in ay shaqaalaheeda ka daadgureysay Kenya ayna xirtay dhammaan xafiisyadii ay ku laheyd magaalooyinka iyo degmooyinka Kenya.

“Ammaanka Kenya oo faraha kabaxay iyo cabsi ay dareemeen shaqaalaheena ayaa sababay in aan albaabada isugu laabno dhammaan xafiisyadii aan ku laheyn wadanka Kenya”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay hay’adda Peace Corps.

Mas’uul u hadlay hay’addan laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa soo hadal qaaday saameynta ay ku yeesheen dilalka iyo qaraxyada joogtada ka noqday Kenya.

“Ammaanka Kenya oo aan laysku hallayn Karin ayaa keenay in aan joojino shaqadii aan bulshada uheynay waxaana jira digniino dhanka ammaanka ah oo dhinacyo kala duwan nooga imaanayay”ayuu yiri sarkaal uhadlay Peace Corps.

Barakacan ay sameynayaan hay’adaha reer galbeedka ayaa kusoo aadaya xilli xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay kordhisay weerarada ka dhanka ah dadka Kenyaatiga Nasaarada ah xilli ciidanka gumeysiga Kenya ay duullaan ku joogaan gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose oo Kenya katirsan.

Voice Of Somalia-Banaadir Post