4500 oo Caruur ah ayaa ku dhashey Qazza tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qazza.

pizap.com14074109643001

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Xamaas ayaa baahisay maanta war layaab leh,kaas oo ah Tirada Caruurta ku dhashey Qazza tan iyo markii uu bilowday Weerarkii Yahuudu kusoo qaadeen Qazza 8-dii bishii aynu soo dhaafney.

Ku xigeenka Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Xamaas Yuusuf Abuu Riisha ayaa sheegay iney diiwan geliyeen tan iyo markii uu bilowday Dagaalkii ay Yahuudu kusoo qaadeen Qazza 4500 oo Caruur ah.

Duqeynta Qazza ayaa waxaa ku shahiiday marka laga hadlayo Ilmaha 432 oo Caruur ah,halka tirada guur ee ku shahiidayna ay gaartey 1890 Ruux.

Arinkan ayaa dhabar jab ku ah Maamulka Yahuudda,waxaana Yahuudda weerarkooda ay kusoo qaadeen Qazza kaga gol lahaayeen iney ku dhimmaan tirada ballaaran ee shacabka Filastiin.

Jiida Qazza waxay kamid tahay magaalooyinka ugu dadka badan Caalamka,waxaana kaligeeda ku nool  Hal Milyan iyo 800.000 oo Ruux,waana cadad aad u badan.

Marka la isku soo duubana tirada ku dhimatey Weerarkii Yahuudu kusoo qaadeen Qazza iyo kuwa dhashey waxaa aad u badan kuwa dhashey,maadaama wadarta guud ee ku shahiiday weerarkaas Cadowtooyo ay tahay 1890,halka tirada dhalatana ay tahay 4500 oo Caruur ah.

LAGA SOO XIGTAY RADIO ALFURQAAN.