XOG MUHIIN AH:-Cabdi Iley oo caafimaadkiisa maskaxeed oo shaki la galiyay

 

13891796_616168611889294_7175031895630369707_n.jpg

Ilaa goortii ay soo baxday in Cabdi Iley xilka laga qaadayo waxaa socoda warar isasoo taraya oo ku saabsan xaaladiisa caafimaad waxaana lagu arkay hadalo iyo ficilo aad isuburinaya oon horay loogu aqoonin, Cabdi Iley ayaa shalay eedeymo u jeediyey 2 nin oo kamid ah maamul ku sheega uu horjoogaha ka ahaa isaga oo ku canaantay in ay xidhaan accuont-gii ay lahaayeen Ciidanka Hawaarintu.

 

Baadhis dheer kabacdi waxaa la ogaaday in wareegtadii lagu amaray xidhitaanka accuont-gii uu Ina Iley qoray laakiin waxaa dadkii ka yaabisay in uu ku dhaartay in uusan war u haynin goorta uu wareegtada qoray, Cabdi Iley ayaaa hadalo isdhaaf ah ka sheegay shirar maalmahan ka dhacayaya Jiijga.

Hadalada Cabdi Iley ayaa u badan faan, calaacal iyo wacdi daadkii waagii hore yaqaanay ayaa la yaaban dhaqanka cusub ee uu la soo baxay iyaga oo ku sheekaysanaya ninkii miyuu xanuusaday, goormu sheekha noqday iyo malaha balwadahiisaba ka tan batay, dhanka kale waxaa istaagay dhamaan wixii shaqo ahaa ee ka socday Ogaadeenya iyada oo kala amar qaadashadii ay dhuntay qof walbaana shakisan yahay.

Dad Ina Iley ka ag dhawaa iyo niman ganacsato ah oo ay isku xidhnaayeen ayaa ku carary accuont-yadooda si ay u faaruqiyaan waxayna ka baqaayaan in la hakiyo accuont-yadooda ama baadhis lagu sameeyo, waxaa kale oo la sheegayaa in ay jiraan rag uu Ina Iley hub si hoose ugu qaybiyay hubkaas oo u badan bastoolado iyo raga la siiyayba waxaa hor jooge looga dhigay oo ay ka amar qaataan Nin la yidhaado Yaasin-Dheere oo ka mid ah dadka Ina Iley gacanta midig u ah.

Sida ay dad xog ogaal ah Qorahay Media u xaqiijiyeen Cabdi Iley ayaa si hoose u xaraashay guryo uu ku lahaa Jijjiga iyo Addis Ababa Guryahasi waxay ku qornaayeen magaacayo dad kale, Ina Iley ayaa laga soo xigtay in uu xilka ka dagayo hadii loo xaqiijiyo in amaan la siinayo balse waxaa loo sheegay in lala xisaabtamayo arrintaas oo walwalka ugu wayn ku haysa, shacabka ayaa naanayso badan u bixiyey Ina Iley intii khilaafkani uu bilowaday magacyadaas waxaa lala xidhidhinayaa wacdiga, waanada badan, ficilada iyo hadalada iskhilaafsan.

Qorahay Media
Jigjiga, Ogaadeenya