Hadii dawadii bukooto maxaa lagu dabiibaa?

32090206

Qofkii cudur dilaayoo dawadaa bogsiisee haday dawo bukooto maxaa lagu dabiibaa?

Tuuryare  ayaa Muqdisho looga yaqaan wiilka yar oo is walaaya,wuxuuna  si fiican u soo shaacbaxay shantii bilood ee la soo dhaafay kaddib markii uu ku lug yeeshay dad shacab ah oo la   toogtay , kuwaas oo aan wax cadaalad lagu sheego la hor keenin,waxaa kale oo laga hayaa  in waalidiinta dhalay Shabaab  la maxkamadayn doonaa ka dibna la dili doono!!

Haddaba waa taliyihii shannaad ee loo magacaabo hey’adda sirdoonka Muqdisho mudo gaaban,kuwaas oo fashil, waxqabad la’aan  iyo isqabqabsi la daala dhacaya.

Tuuryare ayay qaraabo yihiin Xasan Sheekh Maxamud,waxaana laga keenay dalka Masar oo ku sugayay inow ka sii dhoofo,ma lahan wax aqoon ciidan ah,mana lahan aqoon sirdoon,walow lagu sheego inow yahay sargaal  ciidan sida Muungaab oo kale oo waligiis tagin xero ciidan!!

 

Voice Of Somalia-Banaadir Post