Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in xilka laga qaado Gudoomiyaha Xamar Xasan Maxamed Muungaab.
Siyaasiin la socda xaalada Xamar ayaa sheegay in Xasan Sheekh,Dammul-jadiid iyo Nikolas Key ay Kursiga Xamar larabaan Sanbaloolshe,kuwaas dhawaan jagadii loo dhiibay ay ka qaadeen Cabdiweli Sheekh iyo Xulafadiisa gaarka ah,ka dib markii ay iska dhex arkeen ninka aadka ugu dhaw Xasan Sheekh.
Waa caado lagu yaqaan maamulada laga sameeyo Muqdisho oo dhan inay fashil iyo ceeb ku dhamaadaan ka dibna diyaarado iska racaan oo ka dhoofaan dhulkii ay dhibaatayeen!.
Halhays Xamar caan ka ah ayaa jira kaas oo ah “Dammul-jadiid isma dayacdo” ,macnahiisuna yahay jago ama xil isuma waayeen dammul-jadiid,Muungaan kama tirsana miyaa Dammul-jadiid,mise xil kale ayaa loo dhiibi doonaa.
Waxaad ka ogtahay fadlan soo sheeg.
Voice Voice Of Somalia-Banaadir Post