Xassan Sheekh ayaa Qudbaddii uu ka jeediyey golaha Qaramada Midoobay ee NY, Waxa uu ku sheegay in dowladdiisu ay dagaal ugu jirto sidii ay amniga u xaqijin lahayd una tirtiri lahayd fikirka Al-shabaab, isagoo sii raaciyay intaas in caalamku uu arki doono Soomaaliya oo midowday marka la gaaro sannadka 2016-ka.
“Waxaan caalamka u sheegayaa in Soomaaliya uu u ifayo mustaqbalfiican, uuna dalku ku socdo sidii Qaran mid ah loo heli lahaa. Waxaadna arki doontaan Soomaaliya oo ah mid marka la gaarso sannadka 2016-ka,” ayuu Xassan Sheekh ku yiri khubaddii uu ka jeediyay shirka 69-aad ee Qaramada Midoobay!!.
Sidoo kale, Xassan Sheekh wuxuu sheegay in dowladda federaalka ah ay qaadday tallaabooyin la taaban karo oo ay ka qaybqaateen dhammaan shacabka Soomaaliyeed. “Guulaha aan gaarnay waxay u baahan yihiin taageero aan ka helno dunida, balse intii aan qabannay oo dhan waa mid ku timid isku-tashiga shacabka Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa raaciyay Xassan Sheekh.
<iframe frameborder=”0″ width=”480″ height=”270″ scrolling=”no” src=”https://link.brightcove.com/services/player/bcpid1722935254001/?bctid=3808740892001&autoStart=false&secureConnections=true&width=480&height=270″ >
Voice Of Somalia-Banaadir Post