Al-Shabaab oo Raashin Gaarsiiyay Qoysas ku Dhibaateysan Gedo.

32150560

Xafiiska gargaarka wilaayada Islaamiga Gedo ayaa gurmad lixaad leh ufidiyay boqolaal qoys oo ku saamoobay abaaraha ku dhuftay deegaanno Gedo katirsan.

Deegaanno hoos yimaad magaalada Garbahaarey ayay mujaahidiintu geeyeen raashin,Dawo iyo biyo xilli shacabku ladhibaateysanyihiin duruufo kala duwan.

Mas’uuliyiinta wilaayada Gedo waxay sheegeen in Tuulo Barwaaqo iyo tuulooyin hoos yimaad ay ka qeybiyeen raashin nafaqeysan oo carruurta iyo haweenka taakta daran wax weyn utari doono.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ka jirta abaar daran oo dad iyo duunyaba saameysay, waxaana ugu sii daran dhulka ay joogaan ciidamada Itoobiya iyo Kenya oo haddii wax la gaarsiin lahaa aaney suura gal ahayn.

32150621

Voice Of Somalia-Banaadir Post