WARBIXIN:-Qaramada Midoobay oo Ku Eedeysay Hay’adda Nabad Sugida Xamar in Suuq Madow uu Iibiso Hubka Dowlada Villa Somalia!

32285279 (1)

Ururka Qaramada Midoobay ayaa warbixin dheer oo markale uu soo saaray Shalay oo Jumco aheyd waxa uu kaga hadlay Musuq maasuqa baaxadda leh ee dowladda Federaalka ka dhexjira iyo Hubka DF ee lagu iibiyo Suuqyada Madow ee dalka.

Guddiga Golaha Ammaanka ee waxa loogu yeero Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka Xayiraadaha Hubka saaran Soomaaliya (Monitoring Group) ayaa warbixinta ay soo saareen oo ka kooban 482 Bog waxa ay kaga hadleen Hubka dowladda Federaalka ee wali kusii qul qulaya Suuqyada Madow ee dalka, xilli Xukuumadda ay sheegtay in ay ka hortageyso Hubkeeda loo iibgeeyo Suuqyada Muqdisho.

Guddiga ayaa warbixinta ku xusay in 8 xubnood oo kala qeyb qaatay baaritaanno dheer oo lagu sameeyay qaabka DF ay u xakameyso Hubka kujira gacanteeda ayaa lagu sheegay in saraakiisha Nabad Sugda oo ka faa’ideysanaya la xisaabtan la’aanta DF ay Suuq geeyaan Hubka ay leedahay dowladda Federaalka taasi oo noqontay feedax markale wajiga kaga dhacday DF oo horey u baanisay eedeymo loo soo jeediyay horraantii sanadkaani.

Guddiga ayaa ku qeexay warbixinta in ay booqdeen Suuqyada lagu iibiyo hubka isla markaana ay kula kulmeen Ganacsato iibisa Hubka iyagoo kaashanay 8 xubnood oo kala qeyb qaadatay baaritaanada, waxeyna Ganacsatada ay Guddiga u sheegeen in Hubka ay ka iibsadaan saraakiil sare sare oo katirsan Nabad Sugida iyo Sirdoonka DF kuwaasi oo Suuqyada u iibkeena Hubka ay leedahay dowladda Federaalka si qarsoodi ah.

Guddiga waxa uu sidoo kale Ganacsatada uu la kulmay ka helay Macluumaad ku saabsan habka Al Shabaab looga iibiyo Hubka, iyadoo la adeegsanayo silsilad dheer oo daadsan laga soo billaabo Baqaarada ay Hubka ugu keydsan yihiin DF ilaa laga gaaro Suuqyada Madow ee lagu iibiyo Hubka oo ugu dambeyn ku dhaca gacanta Al Shabaab.

Ganacsatada iibisa Hubka ayaa u sheegtay Kooxda ka socotay Monitoring Group in Saraakiisha Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka DF ay Hubka ka iibiyaan Al Shabaab isla markaane ay sameeyaan inta aan la iibin Hubka in laga  tirtiro Calaamadda & Nambarka (Serial Number 56-2 rifles), waxeyna Kooxda sheegtay in Hubka sidaasi loo iibiyay loogu keenay Xerada Xalane.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warbixinta in DF aysan wax Hub ah kasoo iibsan Dibadda balse ay adeegsato kan ku jira gacanteeda ,taasine ay sabab ka dhigtay in Hubka uu ku filnaawaayo dowladda loogana itaal roonaado dagaallada ay kula jirto Al Shabaab.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Hubka ka yimaada wadanka Yemen in uu soo galo gacanta Sirdoonka DF taasine ay dhaliso in si fudud looga iibsado Al Shabaab iyadoo loo marinayo Suuqyo Madow oo kuyaal dalka.

Kooxda la socodka Xayiraadda Hubka saaran Soomaaliya ee Monitoring Group ayaa sheegtay in tan iyo markii Xayiraadda laga fudeediyay DF in ay soo iibsatay hub gaaraya 13,000 (Saddex iyoToban Kun) oo Qori oo ah kuwa fudud iyo  5.5 Million (Shan Malyan iyo Shan Boqol oo Kun) oo Rasaas ah, kuwaasi oo hadda ah kuwa Suuqyada Madow lagu iibinayo, intooda badane gacanta u galay Al Shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa horey uga qafiifisay DF Cunaqabateyntii Hubka aheyd ee Soomaaliya la saaray 1992 kadib markii DF ay codsatay in loo ogalaado in dalka dibaddiisa ay kasoo iibsan karto Hub ay kula dagaallanto Al Shabaab.

 

SOMNEWS.NET