VIDEO:-Xasan iyo Cabdi Wali Sheekh oo Xiriirkii Shakhsiyadeed isku Jaray!

32425522

Waxaa sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya madaxda DF-ka ee gumeystaha la shaqeysa,Cabdi Wali Sheekh iyo Xasan Sheekh  ayaa la sheegay in xiriirkii ka dhaxeeyay uu jarmay waxa kaliya ee labadan Nin ay iskula xariiraan ayaa ah wasiirro kala taabacsan oo muwaaqiftooda ukala gudbiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Xasan Sheekh  uu amar kusiiyay saraakiisha ciidanka Nabad sugidda in ay xabsiga dhigaan odayaasha dhaqanka ee taabacsan Cabdi Wali haddii ay isku dayaan in ay kulamo ku yeeshaan hoteelada Muqdisho.

N.Kay xaakimka madaniga ah ee gumeystaha caddaanka ah uqaabilsan maamulidda Soomaaliya ayaa ku guuldareystay dhax-dhaxaadin uu ku doonayay in uu isugusoo dhaweeyo dhinacyada.

Hoos Ka Daawo Warbixin Telefeshinka Al Jaziira uu ka diyaariyay Khilaafka soo jireenka ah ee cumalada Villa Somalia.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.