Iyadoo uu wali taagan yahay Khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisal wasaarihiisa ayaa waxaa soo baxaya hardan dhanka xildhibaanada ah kaasoo dhinac waliba uu doonayo inuu helo xildhibaano badan oo taageera fakarkiisa.
Xiisadda ugu badan waxaa ay ka taagneyd Xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia balse hadda wax weyn ayaa arrintaasi iska baddalay kaddib markii hotelada Muqdisho gaar ahaan kuwooda ugu waaweyn ay noqdeen barta uu ka dhaco gorgortanka siyaasadeed ee dhinacyada is haya .
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in xildhibanada taageersan fakarkiisa ay gaarayaan illaa 150 xildhibaan halka dhinaca kalena xildhibaanada taageersan Raiisal wasaaarha ay iyaguna haatan marayaan illaa 50 xildhibaan iyadoona aad mooddo in xildhibaanada taageeraya raiisal wasaaruhu ay labadi maalin ee ugu dambeysay isa soo tareen.
Warar lagu kalsoonyahay oo la helayo ayaa sheegaya in xildhibaano badan ay maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho dib ugu laabteen kuwaasoo doonaya in ay dhinacooda kala saftaan dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo.
Hotel Xayaad ee ku yaala agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in ay ku shireen oo ay isugu tageen Xildhibaanada taageersan Raiisal wasaaraha .
Warar isi soo taraya oo laga helayo aqalka madaxtooyada ayaa ku warramaya in ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ugu qeybsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay uu weli isku dayayo xal u helidda muranka siyaasaddeed ee soo kala dhexgelay madaxda sare, kuwaasoo khilaafkoodu markale sii xooggeystay kaddib isku shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiiradda qaarkood –waxaana isku beddelkaasi dhinaca xilalka ah uu saamayn ku yeeshay ku dhowaad 10 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiiru-dawlayaal iyo wasiiro ku xigeenno dhammaantood ka wada tirsan xukuumadda imminka jirta ee uu hoggaaminayo ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, hase ahaatee lagu tiriyo xulafo dhow oo uu lee yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale, Midowga Afrika oo inta badan ku lug leh soo celinta nabadda iyo xasillinta waddanka Soomaaliya ayaa si cad ugu taabtay labada masuul ee muransan in ugu yaraan xalku noqdo “gacmo geel jire hoos loo dhaqay”, taasoo shacabka uga dhigan shuushoow bax.
Soomaaliya oo aan la hayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa muddo ka badan 20 sanno ayey caado u tahay cilaaqtamiddu cidkastoo la ciirsado!
Si kastaba ma ahan arrin cusub in markasta oo dhaca Khilaaf xildhibanadu ku yaacaan hoteelada si markaasi loo diyaariyo mooshin mana ahan waxa ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed , (Habar dhali weyday aleelo ku waalatay !!!! )balse waxanoo dhami waa wax shacabku ka dheregsan yahay isla markaana sii caddeyneysa sida madaxda Soomaalidu wali aanay daacad uga ahayn in dalka iyo dadkuba dhibaatada ka baxaan .
Beer-lula Haji
maxaadhacay.net
Voice Of Somalia-Somali Leaks.