Weerar Jidgal ah oo Xabashida loogu dhigay Duleedka Dhuusamareeb.

32474587

Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud waxey sheegayaan in saaka weerar jidgal ah uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusa-mareeb kaasi oo loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah shisheeyaha kusoo duulay konfurta iyo bartamaha dalka Somalia.

Jidgalka ama Kamiinka waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta deegaanka Ceel-lahelay iyo tuulada Bulacle oo ka mid ah deegaanada hoostaga Dhuusa-mareeb’iyadoona kolanyada Itoobiyaanka ah ee kamiinka loo dhigay ay kasoo baxeen Dhuusa-mareeb kuna sii jeedeen dhanka degmada Ceel-garas oo ka mid ah goobaha Xabashida duulaanka kaga sugan tahay gobalka Galgaduud.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay kamiinka saaka ka dhacay duleedka Dhuusa-mareeb’iyadoona Xabashida Itoobiya muddo ay ku hakadeen goobta kamiinka adag saaka loogu dhigay.

Ciidama soo duulay oo dhan ayaa waxaa ku socda dhiigbax iyo dhib joogta ah oo gaaraya gadiidka ay wataan,waana sababta u diiday inay socdaan ama gaaraan meeshay doonaan.

Maanta barqadii ayaa sedax qarax laga maqlay agagaarka biya degeenka Suuqa Xoolaha halkaasi oo ay ku socdaalayeen ciidamo katirsan calooshood ushaqeystayaasha Afrikaanta ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in sedax katirsan ciidamada Uganda lagu dilay qaraxyada waxaana burbur xooggan uu gaaray gaadiid ay wateen ciidanka labeegsaday.

Magaalada Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dilal iyo qaraxyo khasaara dhaliyay waxaana muuqata in ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayo.

Voice Of Somalia-Somali leaks.