Maleeshiyaad fara badan maamulka Axmed madoobe dhimasho iyo dhaawac ay kaga noqday dagaal ka dhacay jaziiradda Kudhaa waxaana la magaalada Gaalkacyo la geeyay dhaawacyada tiro ka tirsan maleeshiyaada Axmed Madoobe.
Inta la xaqiijiyay ilaa 33 askari oo maamulka Axmed Madoobe kaga dhaawacantay dagaalkii Kudhaa iyo sidoo kale dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada hoostaga Kismaayo ayaa maanta la dhigay isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo.
Dhaawacyadan oo ahaa kuwoo culus ayaa wax looga qaban waayay isbitaalka magaalada Kismaayo,yadoona sidoo kale dhaqaatiirta isbitaalka Gaalkacyo ay ka deeriyeen xaaladda qaar ka mid ah dhaawacyada askarta Axmed Madoobe ee maanta la gaarsiiyay isbitaalka magaaladaasi.
Dad badan ayaa is weydiiyay sababta Muqdisho Ama Nairobi loogu qaadi waayay dhaawacyada Ciidamada Axmed Madoobe.
Voice Of Somalia-Somali Leaks