FADLAN AQRI:-Maxaad ka taqaan Taariikhda Madow ee Cumar Xaaji Masalle?

32663224

Waxaa marag madoonto ah haddii qolo lagu tilmaami karo inay ceeb ka  simanyihiin inay Soomaalidu ka simantahay qoris la,aanta taariikhda iyo diiwaan galin la,aanta dhacdooyinka , taasaana keentay inay umada hortaagnaadaan raq ku noloshii dalka qaarna gubay qaarna gatay , xumaan waji kastoo ay leedahay Soomaaliya waa ka dhacday , dilbaa dhacay , bililiqaa dhacaday , kufsibaa dhacay , dadkii xornimada u soo halgamay baa waxna la  dilay waxna la duuflaalshay , ( Xabagtii waxaa cunay kuwii Xaawo gawracaye ) waxaasoo dhib ah waxaa gaysanayay u adeegayaashii gumaysiga shalay iyo maantaba , waa boqol sano intay na gumaadayaan , waligoodna ma toobad keenin .

Haddaba maxaan goor walba u cafinaynaa danbiilayaasha ? hadaanse cafinay kii  dorraad gumaystaha u shaqaynayay , kan maantay hadba dagaan cusub dabka  saaraya , kan had iyo goor u taagan inaan dadka maantay nool qofina ka harin   si,aan danbigiisii agoonta loogu sheegin , maxaan wali ugu ogolnahay inay  kaligood hogaanka siyaadda qabtaan oo hadba god madaw nagu tuuraan ?

Maxaan u aqbalaynaa inay marba magac noola baxaan , oo nagu beer laxawsadaan Ehel Walaalnimo ,iyo Islaanimo IWM ? waa dhab waa waqtigii agoonka loo sheegi lahaa ninkii aabihiis dilay , waxaa waqtigii maxkamada la saari lahaa burcadda siyaasada ee laynta shacabka codka iyo magaca ku raadsada , waxaa la hubaa in lala dagaalo oo bulshada horteeda laga leexiyo , inay ka dhibaato yaraan lahayd intay dadka horjoogi la haayeen oo hadba dab cusub na galin lahaayeen ,maxaa yeelay waa dulmiilawyaal aan wax khayr ah looga baran . Ayeeyadu waa inay wiilkeeda u sheegtaa ninkii awowgiis dilay , hooyaduna waa inay u xafidaa uur ku harka ninka asayda u saaray , umaduna waa inay aruurisaa akhbaarta burcada siyaasada si maxkamad loogo soo taago.

Anagoo arimahaas iyo kuwo la mid ah tixgalinayna waxaa nala haboon inaan Qawlaysatada na hortaagan waxay yihiin is waydiino , waxay galeen iyo waxay gaysteenna is xasuusinaa,taasaana igu kaliftay inaan qoraalkan sameeyo.

CUMAR XAAJI IYO XILLIGII DOWLADDA

Jen.Cumar wuxuu ka tirsanaa ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu muddo dheer caan ku ahaa khamra cabidda wuxuu ahaa sarkaal kii loo xil saaray  toogashada tobankii wadaad ee sanadkii 1975tii lagu toogtay Xamar kadib markay diideen in xeer madaxtooyo lagu badalo aayadda quraanka ah,Jen.Cumar oo uu aad u kool koolinayay madaxwayne M.S.Barre ayaa gaaray sideetameeyadii darajada Generaal iyo waliba wasiirka gaashaandhiga ,runtiina labada darajaba waxaa
lagu siiyey qaab musuqmaasuq ka muuqday oo saraakiisha xoogga dalka ka caraysiisay , hasa yeeshee muddo gaaban kadib 1981kii ayaa magaalada baydhabolaga soo xiray iyadoo lagu eedeeyey in uu jaajuus ahaa sidaasna waxaa ku qoray Buugiisa qarannjabkii soomaaliya Aw Jaama Cumar Ciise ,sidoo kale idaacadda  BBCda ayaa soodaysay codkii Axmed Suleymaan Dafle oo 1982dii ku eedaynaya jaajuus inow  ahaa Xabashida iyo dalal kale , waxaa kaloo arintaas  xaqiijiyey saraakiil kamid ah ciidamadii SSDF ta ee kagarab dagaallami jiray ciidankii Itoobiya iyagoo sheegay inay Xabashidu xogta ugu badan ka heli  jirtay Cumar Xaaji inta badanna lagu go,aan qaadan jiray xog warrankiisa ,waa yaabe waxaa loo magacaabay wasiirka caafimaadka iyadoo laga fageynayo ciidanka kaddib markii la ogaaday inow  sirdoonka Maraykanka xiriir hoose la leeyahay ,hadal uu u jeediyey shaqaalihii wasaaradda caafimaadka ayuu ku yiri “aniga  waxaa la i baray sida naf loogooyo idinkana waxaa la idinbaray sida naf loo  badbaadiyo marka aan sidaas kuwada shaqayno”waxaa muuqata inuu jananku wali  kujiro ku dhaqanka aqoontii labaray ee ahayd sida naf loo gooyo!!.

CUMAR & MAAMULKII URURKA SNF.

MARKII AY BUR BURTAY qarannimadii Soomaaliyeed dalkuna uu galay dagaalkan hadda kow iyo taban jirsaday , Cumar wuxuu ka mid ahaa Jananadii dhiigga umadda magaca & kursiga ku raadinayay , beeshuu ka dhashayna waxay u dooratay gudoomiyaha ururka SNF , inkastoo markii la dooranayay odayaal wax garad ahi  ku taliyeen in la doorto Awr hayin ah oo gur gurshaa ah ee aan la dooran
qaalin buub ah , taladaasise dhaga awdan bay ku dhacday oo waxaa la doortay  buubaaagii , dhacdaas kaddib wuxuu Jananku qayb wayn ka qaatay bur burkii iyo  baabi , ii dalka ka dhacay , boobkii & bililiqadii ayuu saamigiisa kaqaatay ,shirarkii dib u heshiisiinta badankood wuu ka qayb galay , ragii caqabadda ku ahaa ayuu mid ka ahaa , siday dad xog ogaal ahi sheegeen sanadkii 1992 kii wuxuu magaalada NAIROBI kula shiray sarkaal safaarada Maraykanka ka tirsan , wuxuuna u sheegay in ciidanka beeshiisa ee jooga Buurhakaba aysan fara galin ku samayn dagaallada ka socda Xamar ee u dhexeeya labada garab ee ururka USC ,halkoodana ay ku nagaadaan , waxaa kaloo loo sheegay in ay go,aan deg deg ah
ka soo gudbiyaan joogida madax waynaha gobolkiisa , danta Maraykanku waxaa doonto ha noqotee Jananku arrintaas waa fuliyay , wuxuuna Baydhabo u diray  wafdi ka kooban rag ay isku dhawaayeen jen. Gaanni oo waagaas amaanduule u  ahaa ciidankii dhanka Gedo kala dagaalamayay ciidankii USC da , islamarkiina  waxaa bilawday xiriir dhex maray Caydiid & Gaani oo aan dhabtii wali la  fahmin nooca uu ahaa & cidda ka danbaysay , iyo khilaaf beeleed oo dhex maray Gaani & M. S. Bare ,kaasoo sababay in muddo yar kadib degmooyinka Gedo oo dhan ay gacanta u galaan ururkii USC da. Markii uu Caydiid Gedo qabsaday Jananku waxuu u qaxay dalka Suuriya , hase yeshee markii laga saaray mudo kadib ayuu  soo laabtay , gobalka oo nabad ah laguna jiro ka soo kabashada dagaaladii sokeeye , markaan waxaa dabada ka waday xafiisyadii Unisom , wuxuu la yimid dhulka waa in laga saaro asalraaca , muddo gaaban gudaheed wuxuu gobalka geliyay xasaasiyad &xiisad dagaal , wuxuu qabtay shirar tiro badan oo dadka gobalka colaad looga dhex abuurayo , dadaal ha bixiyee kuma uuna guulaysan in uu dagaal huriyo, colaadda uu Cumar beeshiisa u hayo ma ahayn mid ku dhisan mabda, oo kaliya , waase colaad soo taxnayd ilaa muddadaii xariggiisa .

1994 tii Cumar rag saaxiibadiis ah ayuu u sheegay ha dhawaato ama ha dheeraatee  inuu mar un cida dagaal ka dhex shidi doono.

Tillaabo walba ayuu isku dayay oo ay ugu darnayd warqaddii diin la,aantu ka muuqatay ee uu u qoray 1994 kii  safaaradaha reer galbeedka iyo Ethoipia ee kenya degan ,warqaddaas oo aad u   dheerayd wuxuu ku soo gaba gabeeyay ( haddaan reer galbeedku si deg deg ah  itixaadka wax uga qaban , Soomaaliya waxaa ka dhalan doonta dawlad islaam ah oo sida tan Suudaan ay hadhaw dhib noqon doonto si loo bur buriyo ) waxaase la yaab leh sida uu Cumar u soo minguuriyay taladii uu soo jeediyay Andro wisky  sanadkii 1992 kii . Odayaal reer Garbahaaray ah ayaa usoo jeediyay in lagu dhaqo gobolka  shareecada islaamka , wuxuuna ka bixiyay shareecada tusaalahan foosha xun , isagoo adeegsanaya falsafaddii shuuciyada ayuu yiri

(Saddex qof oo indha la , ayaa loo keenay Maroodi ,midbaa dabada ka taabtay midna iligga ayuu ka  taabtay midna dhabarka ayuu ka taabtay,Markii mid walba la waydiiyay Maroodi ka warran ayaa mid yiri waa laf dheer oo adag , midna wuxuu yiri waa wax buuran oo duf leh , midkii kalaa wuxuu yiri waa wax dhuuban oo faraq leh , mid waliba meeshii uu taabtay ayuu u fahmay maroodi , kolka diinta waa qofba siduu u fahmo ) xaqiiqada eraygaani waa in aysan diinta islaamku lahayn asal jira oo la raaco , cid walbana siday doonto ay ka yeesho)
CUMAR XAAJI & ETHOIPIA

Jen. Cumar wax uu hagankaas indha la, ku jiraba , waxaa u cadaatay inaysan  suurta gal ahayn inuu gobalka ka rido dagaal sokeeye , wuxuu go,aan ku gaaray in cadaw shisheeye la,adeegsado in ay lama huraan tahay ,oo waa kuma  cadawgaasi ? taladii Tigree waa dhaafi wayday , si, uu hawshaas u guda galana wuxuu bishii May 1996 dii kula shiray safaarada Xabashida ee Nairobi wakiillo Itooboyaan iyo Maraykan,halkaas ayaana lagu go,aanshay weerarkii Xabashidu ku qabsatay qaybo ka mid ah gobolka Gedo , si hawshaas loo dhamays  tirana wuxuu saraakiil itoobiyaan ah kula shiray  Suufka bishii July ee 1996 dii xaga Soomaalida waxaa Cumar ku wehliyay shirkaas afar nin oo kale,nimankaasi waxay ahaayeen niman ka tirsan lafo kala duwan si Xabashida looga dhaadhiciyo imaashahooda dadkoo dhani sugayo ubaxna lagu soo dhawayn doono , ragaase kuwee ahaayeen halkeese ku danbeeyeen?:
1. Dr: Cali Nuur oo reer Xasan ah , ugu danbayntiina waxaa lagu dilay weerar
Xabashidu soo abaabushay.
2. Xasan Ugaas oo Talxe ah asna waxaa lagu dilay isla dagaalkii Cali Nuur lagu
dilay.
3.Xassan Deer oo reer Axmed ah , isla dagaalkaas ayaa waxaa qafaalatay  Tigreeda meel uu ku danbeeyey nolol iyo geeri toona lama oga!.
4.Xaaji Yuusuf oo Calidheere ah , isana wuxuu si dirqi ah uga fakaday  dagaalkaas saaxiibadi lagu gaba waray .

Haddii afartii nin ee shirqoolkii  dadkooda iyo dalkooda kala qayb galay Cumar Xabashidu sidaas u gashay muxuu  ugu quus qaadan la,yahay ? Gabyaa baa yiri :
“Duulkii Ibliis saar u tumo oo la sababaayo  Salka meel ma dhigo balo nimay soo kac leedahaye”( Abwaan Tansaaniya ).

Ugu danbayntiina Ethoipia Gedo waa soo weerartay , dad iyo duunyo badanna  cagtay marisay , haddaba sidee wax u dhaceen ? , subaxdii jimcaha 9.8.1996 kii ayay ciidamada Ethoipia weerar millateri kusoo qaadeen degmooyinka Luuq , B/xaawo , & Doolow sadexdaba gacanta ayay ku dhigeen waxay halkaas ku dileen  ilaa 200 oo qof , hanti badan bay qaateen , guryo badan waa gubeen , Luuq & B/xaawo waxay ku garaaceen madaafiic cul culus , Diyaaradana waa ku dukheeyeen, kaddib markii dagaalkii kafool kafool ka ahaa kululaaday , Maktabadihii iyo Masaajiddii magaalooyinkaas wixii Kutub yaallay waa rarteen, kadibna waa  gubeen , dhacdadaas jananku kama nixin , kamana xumaan , maadaama ay dadka la laayay ahaayeen dad uusan dan ka lahayn, Xabashiduna  ay xaq darisnimo nagu leedahay waa siduu yiriye.

Hadalkaas wuxuu u sheegay wargayska Al-xayaat ee ka soo baxa dalka Ingiriiska & idaacaadda BBC da laanta Af  Soomaaliga , mar labaad ayay ciidanka Xabashido weerar kusoo qaadeen isla  sadexdaas degmo 12.6.1997 dii , labadaas weerar & dagaaladii u dhexeeyayba  Itoobiyaanku waxay dileen dad ka badan 700 oo qof , oo rag ,haween iyo  caruurba leh , waxay rarteen madaafiicdii lidka Diyaaradaha ee yaallay xerada libsida ee degmada Luuq , intaasoo dhan Cumar Xaaji ogolaanshihiisay ku  sameeyeen , asaguna markay waxaasu dheceen ayaa diyaarad ciidan looga soo  dajiyay B/xaawo halkaasuu ka khudbeeyay isagoo sheegay inayan abaalka Ethoipia gudi karin , wuxuu naxariis la,aan ugu digtay dadkii dhacaankooda dhulka la dhigay , ragbaa maalintaas ku cel celinayay tixdii Faarax Xusseen Sharmaake:
“Ninna aanadiis kama damana Dir & Daaroode Dulmi qaadan maayoo fir ceeb diiddan baan ahaye  Ninkii aniga iga doorranaw hay dakanadayda”
Su,aashu waa wuxuu filayay maxaase dhacay ? wuxuu filayay in ay Amxaaro  fuliso heshiisyadii lagu gaaray Nairobi &Suufka oo ay kamid ahaayeen :
1.In Cumar lagu soo wareejiyo hubkii Jen. Gaani ciidamada Ethoipia ka  qabsadeen markuu u socday dhinaca Galgaduud 1992 kii , hubkaas oo dhamaa 35  Tikniko ah iyo hub yar yar oo fara badan.

2.In lasiiyo taagaara dhaqaale oo u suuro galinaysa in uu maamulo gobollada  koonfureed siiba Gedo & labada Juba , iyo in uu noqdo ninka mustaqbalka danaha Maraykanka & Ethoipia ka fuliya Soomaaliya , ayaguna ay dhinac walba ka garab istaagaan. Maxaase dhacay ?

Amxaaro ayaa gaddeedii la soo baxday , ninkii Cumar ahaa waa la garab bidixeeyay , Afartii nin ee heshiiska Suufka la saxiixday ,laba waa ladilay mid waa la qafaashay midna waa fakaday, mar uu Addis tagay si uu arrimahaas madaxda sare ee Ethoipia ugala hadlo waxaa la amray in uu laba xiddig laha Doolow jooga wuxuu u baahdo kala xiriiro , waxaa la tusay inay naftiisu khatar ku jirto wax loo qabto iska daaye , waxaa loo sheegay in hadduu tagana aan boos banaanaanayn oo Buraale & Burkuus baa u malabsanaya xilkiisa , Cumar talaa ku caddaatay ( Gablan talo adduuney maxay galabba heer joogtay ) , siduu ragiisa u sheegay hanti maraykanku siiyay waxaa leexsatay Tigreeda , haddaba oraahdii Amxaaro afkay kugu shumisay kugu qaniintaa , ayaa Cumar ka soo ifbaxday , waxaase nasiib darraa inuusan qaniinyada dareemayn ilaa la goosto , Cumar iyo Tigree waa u kala dhammaatay ,oo halkeebuu jaanta saari ?aanu isla aragno. 

CUMAR XAAJI , SALBALLAAR & INA CAYDIID

kaddib markuu jananka ka soo xirmay qandaraaskii tigreedu wuxuu jaanta saaray dhanka maamulkii Salballaar ee uu dhaxaltooyada ku maamulayay Xuseen M. Caydiid , maamulkaas oo laftiisu liicayay ayay ula muuqatay in ay Cumar Xaaji ku dad badsan karaan , waxay ina caydiid isla tageen wadamo ay ka midyihiin Masar , Liibiya & Kenya , intuu jananku isbahaysigaas ku jiray wuxuu BBCda ka sheegay in ay Ethoipia dhulka soomaaliya duullaan ku hayso !!, hase yeeshee  ina caydiid layskuma daahin , oo waayo ? waxaa Cumar ku eedeeyay dhawr arimood:
1.In intii booqashooyanka lagu jiray uu Xusseen u talinayay , masuuliyiintii  la qabilayayna uu kaligi la xaajoonayay isagoo ragga kale ku shaagay in ay yihiin taageerayaalkii aabbihi oo isagu dhaxlay !!.

2. In wixii dhaqaale ahaa ee la helay ayan gacanta Agoonka soo dhaafin.
3.Taas waxaa dheer iyadoo Jananka looga shakiyay in uu sir badan u gudbiyay Amxaarada siiba xiriirkii lala lahaa Oromada.

Guntii hadalka jidkaasina waa xirmay oo waliba agoonka si fool xunbaa loo dagaalamay , tolow halkee qaban doonaa ? malaga yaabaa in uu markaan maskax  fayaw ku fakaro oo uu ceebtaan joogtadaa lugaha kala baxo , Ilmihiisa Denmark ku dac daraysanna xanaanaysto ? haba ka yaabin Waayo ? mar labaad xasuuso:
Duulkii Obliis saar u tumo ee la sababaayo Salka meel madhigo balo nimay soo kac leedahaye !!

CUMAR & SHIRKII DJABUTI &DAWLADDA KMG

Waxaan soo tilmaanay in ay jananka wadooyinkii oo dhani kasoo xirmeen , tii beeshiisa , tii Ethoipia ( sida muuqatay ) iyo ugu danbayntii tii salballaar , isagoo xaalkiisu sidaas marayo kob uu jaan &cirib dhigana garan la, ayaa lagu dhawaaqay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Djabuti , wuxuu ka mid  ahaa dadkii ugu horeeyay ee shirkaas tagay , ma wado kalaa u foran ? Jananku  wuxuu ku han waynaa in uu dawladda halkaas lagu dhisi doono madaxwayne ka noqdo !!waxaase waa ku baryay markii beeshiisa oo garanaysa halkuu dhacaankooda dhigay ay kareebeen xubnaha baarlamaanka u galaya , gar & gardarro Cumar baarlamaankii waa lagu daray , kaddib markii nin kursigiisii uga tanaasulay , wuxuuse meel dhigtay in uu yahay wasiirka Gaashaandhigga , waa labaad baa ku baryay kolkii la magacaabay wasiirrada iyo ku xigeennadooda magiciisiina uu ka waayay , waxaa u caddaatay inaan dhanna laga jeclayn , Albaabkaanina waa isa soo laabay , Markaanna halkee qaban doonaa ? Sow mar kale iyo jamhaddii EPRDF ma,aha , Qaalinkii buubka ahaa wuxuu ka dagay Nairobi,mar kale ayay safaaradii Maraykanku u kala dab qaadday isaga & Tigree , cidkastoo qaranimada Soomaaliya diidani waa saaxiib Amxaaro e waa la soo dhaweeyey , wuxuu tegay Kismaayo si,uu dadka Dhiilo dagaal u galiyo , ugu danbayntiina wuxuu ka qayb galay shirkii Ceelbarde si,uu dawladdii Koonfur galdeed Ethoipia u bixisay wax uga dhiso , Wxaa lagu qasbay in uu BBCda ka cadeeyo in uu Dawlada KMG ah ka baxay lana diriri doono , waqtigaas laba todobaad ka hor ayuu BBCda ka sheegay in uu Dawladda KMG ah xubin baarlamaan ka yahay lana shaqaynayo , Allaw sarriigta hanaga qaadin. Waxaa iswaydiin mudan jananku maka helay Dawladii Ceelbarde ee Ethoipia dhoodhoobaysay jagaduu ku taamayay ? waa nin inkaar waalid qabee waxaa lakala dooransiiyay laba jago midood waa mide in uu madxwayne ku xigeen sadexaad u noqdo Shaati guduud & Jen. Aadan gabyaw , waatan labaade in uu kuxigeenka taliyaha ciidanka u noqdo Jen. Moorgan , arrintaasi aad ayay uga caraysiisay janaka , lama filaanna way ku noqotay , waa mar kale iyo safaaraddii Maraykanka ee Nairobi , si ay  Ethoipia uga dhaadhiciso jagadii la siin lahaa Cumar Xaaji , dhex  dhexaadintaasi kuwii hore ma dhaami doontaa ? waanu u wada joognaa.

.GUNTII & GABA GABADII HADALKA

Ugu danbayntii Cumar Xaaji wali kama daalin waddadii gudcurka ahayd ee uu u hayay in uu noqdo madaxwaynaha Soomaaliya , walina kama daalin ku dhaqanka cilmigii uu bartay ee ahaa in naf la gooyo , filina maayo in uu daali doono inta noole jiro , ama asaga godka lagalinaayo , waa yaabe maxaa wada ? Jagaa u bidhaantay wuxuu is tusay iyadoo madaxwayne la leeyahay , baaba,aas uu dalka u gaystayna Wiil , Walaal , iyo waalid toonihi ugama dhiman , hantiyi ugama  guban hoyna ugama bur burin , haddaba waxaa yaab leh maxaanu isaga qaban la , nahay isaga iyo inta la jaadka ah ? dhibaatada uu soomaaliya u gaystay waa mid aan la koobi karin , siiba gobalka Gedo oo aan weli kasoo kaban bur burkii Ethoipia u gaysatay ,1993 kii waxaa gobolkaas ka dhisnaa xadex dugsi dhexe , oo ay barayaal ka ahaayeen macallimiin jaamacadeed , iyadoo dhamaadka 1996 dii lagu tala jiray furidda dugsi sare , maantase waxaa ka furan hal dugsi dhexe oo kaliya , sidaasoo ay tahay wuxuu hadda usoo xaydanayaa in uu gobollada  koonfureed dagaal cusub galiyo , wiilashoodana ku laayo in ay yihiin  Jabuutiyiin , halka uu kuwii hore ku laayay in ay yihiin Sacuudiyiin , miyaanuu garba duubnaan doonnaa inta uu nawada gabawarayo mise gacantaan kala hormari doonnaa ?
Waxaan qraalkan yar kusoo xirayaa laba maaso oo curiyay Sayid Maxamed C/lle  Xasaan , bal in ay tusaale u noqoto dhuuni qaatayaalka dhulkoodii u gubaya  cadawga dantiisa , wuxuuyiri:
Ha , itiri horaa rag ugu lumay himiladoodiiye
Hawadooda beentaa ayay hebello eedeene
Waxay hoosta gaal uga jiraan inuu u hiishaaye
Asna inuu halaaguu rabaa hogob ka tuuraaye
Uu u horkacaa naarta iyo holacyadeediiye
Hunguraa u geeyaye anfaco hooya muu orone
Hantidooda inuu dhoofiyuu haabka ku hayaaye
Oo weliba uu ugu hanjebi dhiifna ku hadlaaye
Ay hoos indhaha ugu rogaan sida haweenkiise
Habaar baa ku biiriyo cuqubo waalidoo hare e
Inuu hoysto mooyee wax kale shaw umay harine !!

( yaa huba kuwaan inaan la
hoysan ) , sayidku wuxuu kaloo yiri:
Dadaw maqal daduubtaan ku iri ama dan how yeelan
Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorka yeelkiisa
Nin ragey dar daaran u tahaye doqon ha moogaado
Daw lagama helo gaal haddaad daawo dhigataane
Waa idin dagaayaa kufriga aad u debcaysaane
Dirhamkuu idiin qubahayaad dib u go , aysaane
Marka horedabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye
Marka xigana daabaqadda yuu idin dareensiine
Marka xiga dalkuu idinku oran duunya dhaafsada e
Marka xiga dushuu idinka rari sida dameeraade ???.
Geba gebadii hadalka waxaan ka codsanayaa qof kasta oo wax xog ah ka haya  dagaal oogayaalka in uu iisoo gudbiyo si,aan ugu kaashado qoraallo & baaritaan aan ka samaynayo arintaas. Waxaa qoray.
DAAHIR CUSMAAN KAYNAAN
E – MAIL: KAYN25@USA.NET

Voice Of Somalia-Somali Leaks.

dilkii-culmaudiinka-soomaaliyeed

One thought on “FADLAN AQRI:-Maxaad ka taqaan Taariikhda Madow ee Cumar Xaaji Masalle?

  1. Pingback: TAXANAHA TAARIIKHDA:-Waa La Gaaray Waqtigii Agoonka loo Sheegi lahaa Ninkii Aabihiis dilay | Voice Of Somalia

Comments are closed.