GACAN KU DHIIGLE & GACAN QAADE.

32693518

Inaaalilaahi Wa inaa Illayhi Raajicuun, geeridu waa xaq, Jooge baaqi ahaade waa Allaah SWT kor ahaaye. Geeridu aqoon ayeey kugu dishaa ama ehelnimo. Waxaan Illaahay uga baryeynaa inuu u naxariisto Axmed Yusuf Cali Faahiye (AXMED GUREY) iyo Mustafe Yusuf Cali Faahiye. Waxaa dhalay labadoodaba adeerkay Yuusuf Cali Faahiye, labadaba waxaa dilay gacan ku dhiigle Gabre & ciidamadiisii.

Axmed Yuusuf Cali waxaa ciidamada Ethiopia ay ku dileen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisha isagoon hubeysnayn oo aan wax uu galabsadayna la garaneyn. Axmed Gurey waxay geeridiisu timid inyar kadib markuu xaafada oo ku dhoweyd Shiinemo Liibaan uu kasoo tagay. Arintani waxay naxdin iyo argagax ku riday dadkii ehelka ahaa gaar ahaan kuwii gurigii uu xiligaas kasoo tagay kula noolaa oo muuqiisa inyar kahor nolol ku ogaa.

Naxdintani waxay dhalisay in uu murugo iyo maskax wareer ka qaado Mustafe Yusuf Cali Faahiye oo ahaa wiil aad u yar oo aan xamili karin madaafiicdii dhacaysay iyo murugada usoo hoyatay qoyska. Mustafe oo Shock ka qaaday iyo reerkii oo xamili waayay gantaalaha ay ciidamada Ethiopia la bar tilmaameedsanayeen xaafadaha shacbkeena ee caasimada dalkeena ayaa u barakacay magaalada Afgoye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Maalmo kooban kadib markii ay reerka ku sugnaayeen magaalada Afgoye oo ay xasilooni iyo nabad dareemeen isla markaasna ay caafimaad iyo dabiib u heleen Mustafe oo miyir doorsoon ka qaaday grridii murugada lahayd ayeey hadana ayaan daro usoo hoyatay. Maalinimadaas waxaa magaalada Afgoye Kormeer ku yimid Col. Gabre oo kormeerayay ciidamada Ethiopia oo ku sugnaa Afgoye, gaar ahaan Buundada Afgoye. Mustafe Axmed Cali oo sidii caadada ahayd dhex maraya magaalada ayaa waxaa rasaas geeridiisa sababtay ku furay ciidamadii Col Gabre taasoo sabab u noqotay inuu dhaawac halis ah soo gaaro. Sida ay xaqiijisay websiteka Qaadisiya oo uu xiligaas qori jiray Abdirahim Isse Cabdiraxiim Ciise Cadow oo hada katirsan shaqaalaha Radio Muqdisho ayaa soo daabacay dhaawaca kadib in uu gaariga kasoo dagay Col Gabre oo ciidamadii la socday u sheegay inaanu ninkaan badbaadi doonin oo uu gaaray dhaawac halis ah, sidaas darteedna ay fiican tahay in loo fududeeyo. Arintaas oo ninkii turjubaanka ahaa uu ka biyo diiday taasoo kaliftay inuu Col Gabre lasoo boxo bastoolad uu sadex xabadood madaxa kaga dhufto, si uu u dhameystiro.

Arintani waxay noqotay murugo kale oo usoo hoyata qoyskii awalba la il darnaa tabaalaha murugada leh ee ay ciidamada Ethiopia ay ku kalifeen inay kasoo barakacaan guryahii nabdoonaa ee ay ku noolaayeen duqeynta iyo xasuuqa ay Ethiopia ku haysay dadka caasimada darteed. Waxayna noqotay inay hadana dib uga qaxaan oo ay u cararaan Ceelasha oo ka nabdooneyd Afgooye.

Wuxuu tabaalaha dunida qofba meel ka tuuroba, waxaan ahaa dadka fara ku tiriska ah ee la tacalayay sidii ay u dhiiri galin lahayeen murugada qoyska haysatay oo qofba meel ku heysay. Waxay reerku mudo dheer baadi goobayeen sidii ay u heli lahayeen fursad ay kaga aar gutaan gacan ku dhiiglaha, balse waxaa marwalba isku horgudba kuwa magaca iyo muuqa inala wadaaga.

Anigu waxaan kamid ahay dadka dadaalka u galay sidii Meles iyo Masfin iyo weliba Gabre looga aar gudan lahaa safka hore kaga jiray, Illaahay wuxuu ii gartay inaan geeridii Meles & Raqdiisiiba taagnaado si ay u dhacdayba. Balse nasiibku iima saamixin inaan gacantayda ku guto waajibkaas. Masfin oo saacada aan qorayo la il daran Sun kilyaha fariisisay kili kamida oo aan aaminsanahay inuu sababsan doono iyo Gabre oo godintu u taagan tahay goorey qabataba oo aan waayaha u daayay.

GACANQAADKA GACAN KU DHIIGLAHA.

Soomaalidu waxay tiraahdaa Sagaaradii Bada ku kaadisay Naceedey warisay. Waayo sagaaro waa ogtahay hadey Bada ku kaadiso inaanay Kaadi Sagaaro Bada waxba ka dhibeynin, balse ay nacaybka ay bad u qabto muujinayso. Adigu gacanqaadkaaga dhibanayaasha Gacan ku dhiiglaha waxba u dhimi meyso, balse waxaad warisay xumaanta aad u qabto dadkii dhibanayaasha ahaa oo hadaad garanweysay inaad afkooda ku hadasho, waxay ahayd inaad wadaniyada beenta ah ee aad noo sheegan jirtay ku matasho.

Balse waxaa yaab iyo murugo ah inaad tiraahdid WIIL MUQDISHO KAAGAMA DHIMANIN ADIGA IYO REERKIINABA. QOLODA AAD KA DHALATAYNA IYAGAA ETHIOPIA KEENAY. Aniga qolada aan ka dhashay iyo Ethiopia miyaan kala jeclahay, haday Ethiopia la socdaan. Waan ogaa inaad RAQA RAAC tahay, balse inaad af adayga igula dhiiran karto ma moodeyn.

Caruurtu Bulaca ciyaarbay u dishaa, isagana waa u qurgooyo.

AUN Abwaan Abduqaadir Xirsi Yamyam ayaa laga hayaa.

Waa u dheel inay ubad yaryari,
Mulac dharbaaxaane,
Isagana Naftoo dhaaftay iyo,
Dhimasho weeyaane.

XIGASHO-https://www.facebook.com/hiirad7/posts/10154915926865457

Voice Of Somalia-Somali Leaks.