Wasiiradii C/weli Sheekh oo laga mamnuucay inay Muqdisho ka baxaan Ilaa …!

10420429_362648497229890_7804201809888985010_n
Warqad maanta gelinkii dambe kasoo baxday xafiiska kuwa loogu yeero  Xeer illaaliyaha Guud iyo kan Hanti Dhawrka Guud ayaa waxaa lagu sheegey in dhamaan xubnaha ka tirsan golaha wasiirada aysan da dibada u dhoofin karin illaa ay ka wareejinayaan xilka ay hayaan.

Warqadda ayaa waxaa sidoo kale ku xusan in marka xilka la wareejinayo ay qasab tahay in ay goobjoog ahaadaan Xeer Illaaliyaha Guud, Hanti Dhawrka Guud iyo Garyaqaanka Guud.

Waxa ay intaasi warqadda ku dareysaa in marka intaasi dhamaato kadib haddii ay doonaan in ay dalka banaanka uga safraan, in ay soo wargaliyaan sedexdaasi xafiis.

Waxaa halkani ka muuqan kara saansaan ah in ay suurogal tahay in dambiyo lunsi hanta dadweyne lagu soo oogi karo qaarkood.

32757300

Voice Of Somalia-Somali Leaks.