VIDEO:-Afhayeenkii Shariif Sheekh Axmed oo Sheegay in Dowladda Federaalka ay tahay Magac u yaal Shisheeye ku adeegto.

32769372

Telefeshinka Al Jaziira ee Afka ka carabiga ku hadlaya ayaa qabtay barnaamij gaar ah oo uu diiradda ku saarayo xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalka Soomaaliya.

Afhayeenkii hore ee Shariif Sheekh Axmed Xasan Xeylle oo barnaamijka ka qeyb gelayay ayaa sheegay in Soomaaliya aysan kajirin dowlad shaqeysa balse ay jirto dowlad ay gacmaha ku wadaan shisheeye isagoo Xasan Gurguurte iyo maamulkiisa ku tilmaamay kuwa qabyaalad iyo shisheeye kalkaalnimo isku darsaday.

 

 Siyaasigan oo og waxa ay tahay dowladda Federaalka ayaa dhowr su’aalood oo laga weydiiyay waxa marwalba fashiliya xukuumadaha Soomaaliya loogusoo dhiso dibadaha wuxuu sheegay in Kenya iyo Itoobiya ay damac dhuleed ka leeyihiin soomaaliya islamarkaana ay marwalba abuuraan colaadda ka dhaxtaagan qabaa’illada Soomaalida iyo unkidda maamul goboleedyo iyaga u adeega sida Puntland,maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo iyo kuwa kale.

32769418

Voice Of Somalia-Somali Leaks.