WARBIXIN:-Dowladda Itoobiya oo si Dadban ula Wareegaysa Hoggaanka Maamullada Muqdisho,Kismaayo iyo Baydhabo Gumeysi hor leh

pizap.com14453485481121

Xilli dalka Soomaaliya uu wajahayo duullaan gardarra ah oo uga imaanaya dowlado shisheeye Afrikaan ah iyo kuwa reer galbeedka ayay soo baxayaan qorshayaal cusub oo gumeystaha Madoowga ah ku doonayo in awooddiisa uu ku baahiyo.

Dowladda gumeysiga Itoobiya oo ciidankeedu xoog ku qabsadeen magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa isku dayaysa in awoodeeda siyaasadeed ku biiriso gumeysigeeda melleteriga ah.

12065644_1150773314952113_3433019144974725249_n

Ilo wareedyo gaar ah oo ay  ayaa sheegaya in R/wasaaraha Itoobiya uu wasaaradda arrimaha dibadda iyo sirdoonka dibadda uxilsaaray baahinta awoodda siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.

Faragelinta siyaasadeed ee Itoobiya waxay si toos ah uga bilaabatay magaalooyinka kala ah Muqdisho,Baydhabo iyo Kismaayo,Itoobiya ayaa wasiirro iyo garsoorayaal iyada taabacsan ku dhax leh dowladda Federaalka.

32900142

 edax qorshe oo Itoobiya ku doonaysay in ay ku xoojiso awoodeeda Siyaasadeed ee Soomaaliya laba kamid ah ayaa u hirgalay 1-Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa si buuxda ula wareegtay maamulka dhexe ee DF-ka sida xafiiska madaxweynaha,wasaaradda garsoorka iyo sirdoonka oo xubno firfircoon ku dhax leedahay 2-Itoobiya waxay dhisatay maamul iyada taabacsan oo dhawaan laga yagleelay magaalada Baydhabo waxaana hoggaamiye looga dhigay Shariif Sakiin 3-qorshaha sedaxaad ayaan wali sidii larabay u dhaqan gelin waana in maamulka Kismaayo lagu wareejiyo saraakiil Soomaali Itoobiyaan ah gaar ahaan maareynta dhaqaalaha dekadda Kismaayo iyo Sirdoonka.
12043174_1150773378285440_5254347533975986157_n

Xeer ilaalayaha guud ee dowladda Federaalka ayaa ah Itoobiyaan xilal kasoo qabtay maamulka dhulka Soomaalida ee gumeysiga xabashida kujira,taliye sare oo sirdoonka DF-ka katirsan isna waa Itoobiyaan jinsiyadda Soomaaliya heysta wuxuu galaangal dhanka wardoonka ah ku leeyahay Muqdisho iyo hareeraheeda.

Itoobiyaanku waxay u xusul duubayaan in Axmed Madoobe ay ka dhigtaan wakiilkooda Jubbooyinka si dhaqaalaha dekadda Kismaayo kasoo xarooda looga ilaaliyo in lagu maalgeliyo Jabhadda ONLF ee dagaalka iska caabinta ah ka wadda dhulka Soomaaligalbeed “Killi5”.

34788322

Sarkaal katirsan Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in Itoobiya soo gudbisay codsi ah in ay buuxiso kaalintii ay baneeyeen ciidamada Siiraaliyoon ee Jubbada Hoose isaga baxay.

Waxa kaliya ee qorshaha Itoobiya dhicisayn kara ayaa ah xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo caan ku ah duminta maamullada iyada taabacsan ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

gumeystaha Itoobiya ayaa horay ula wareegay gacan ku heynta maamullada Somaliland iyo Puntland isku magacaabay,nasiib darrada jirta ayaa ah in siyaasiyiinta Soomaalida ay yihiin kuwa gumeystaha u caynsan diinkooda iyo dalkoodana ku bedeshay xilal magac uyeel ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

32900142 (1)Voice Of Somalia-Somali Leaks.