VIDEO:-Meydadka Askar iyo Saraakiil Ciidanka Uganda Looga Dilay Weerarkii Xalane oo Magaalada Kampala lageeyay.

32944098

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in meydadka askar iyo saraakiil looga dilay weerarkii maalmo ka hor ka dhacay saldhigga Xalane ee Muqdisho dib loogu celiyay dadkooda.

Magaalada Kampala ayaa laga dajiyay meydadka 3 askari oo mid kamida uu ahaa Jeneraal sare oo kamid ahaa ciidanka melleteriga Uganda ee ka dagaalamaya Soomaaliya.

Wasiirka difaaca xukuumadda Uganda oo tegay garoonka diyaaradaha Kampala oo xilligaasi laga dajinayay meydadka ciidanka lagu laayay Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay dhibaatada heysata ciidankooda Soomaaliya ku duulay.

isagoo hadlayay ayuu yiri “Maanta waxaa dalka dib loogusoo celiyay askar iyo saraakiil ciidanka qaranka katirsanaa oo lagusoo dilay Soomaaliya waxay ahaayeen geesiyaal Al Shabaab kula dagaalamayay Soomaaliya”.

Taliyaha ciidanka lugta Uganda David Muhoozi oo isna lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka murugeysanyihiin wixii ciidankooda ku qabsaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

“Nasiib darro sedax katirsan saaxibadeena oo midi yahay sarkaal ayaa lagu dilay weerarkii Muqdisho maanta meydadkooda ayaan soo dhaweynay”ayuu yiri David Muhoozi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiil Yugaandheys ah dhaawacydoodu halis yihiin loo dhoofiyay wadankooda,tani waxaa khasaaraha kaliya ee Uganda kasoo gaaray weerarkii Xalane ee ciidanka Shababul Mujaahidiin fuliyeen waxaana larumeysanyahay in ay ka khasaara badanyihiin ciidanka Burundi iyo hay’adaha caddaanka ah ee Xalane deggan.

Voice Of Somalia-Somali Leaks