MUQDISHO:-C/Kariim Guuleed oo Xalane looga Yeeray

32969826

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Xalane ee khasaaraha badan lagu gaarsiiyay shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya waxaa sii xoogeysanayay kala shakiga u dhaxeeya saraakiisha DF-ka iyo shirkadaha shisheeyaha ee Muqdisho ku sugan.

Cabdi Kariim Xuseen guuleed wasiirkii hore ee ammaanka DF-ka ayaa su’aalo adag laweydiiyay kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in mid kamida gaadiidkiisa aan xabaddu karin loo adeegsaday weerarkii Xalane.

Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in Guuleed looga yeeray Xalane isagoona jawaab celin uu bixiyay ku qiray in gaariga ay adeegsadeen raggii weerarka fuliyay uu isagu lahaa balse ay ka kireysteen saraakiil katirsan ciidanka AMISOM.

Sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ayay sirdoonada  Muqdisho ay qab-qabanayeen saraakiil caddaan ah iyo kuwa Afrikaan ah oo looga shakiyay in ay fududeeyeen weerarkii Xalane waxaa xusid mudan in saraakiisha DF-ka aysan hadda qeyb ka aheyn cidda faruhu ku godanyihiin waxaana muuqata in shisheeyaha soo duulay uu dhaxdiisa kala shakisanyahay.