Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhaxgalay Hoggaanka maamulka Kenya raacsan ee kajira magaalada Kismaayo xarunta Jubbada Hoose.
Dagaal Ooge Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisi Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa dhabarka isku jeediyay kadib dilal qorshaysan oo maleeshiyaadka Axmed Madoobe ku fuliyeen shakhsiyaad aan hubeysnayn iyo saraakiil ay qaraaba yihiin Fartaag.
Ilo wargal ah ayaa SomaliMeMo u sheegay in Fartaag uu isaga cararay magaalada Kismaayo isagoona gaaray magaalada Nairobi halkaasi oo uu askhtako ka dhan ah Axmed Madoobe geeyay.
Fartaag ayaa si cad u sheegay in naftiisa uu uga baqayo maleeshiyaadka Axmed Madoobe kadib markii ay dileen saraakiishiisi gaarka aheyd waxaana si dirqi ah ku badbaaday Yaasiin Raadaar.
Siyaasiyiin diiday in magacyadooda la adeegsado ayaa sheegay in Fartaag uu shuruudo adag ku xiray la shaqeynta Axmed madoobe waxaana shuruudahaasi kamid ah
1-in maleeshiyaadka dhanka Axmed madoobe taabacsan lagasoo qaado xaafado ay Guul wade kamid tahay islamarkaana ciidan isaga beeshiisa kasoo jeedo ay wax ka sugaan ammaanka Kismaayo.
2-in la joojiyo dilalka dadka kasoo jeedo beesha Mareexaan oo joogto ka noqday Kismaayo.
3-in isaga xuriyad loosiiyo in maleeshiyaadka Goob weyn ku sugan uu maamulka kusoo daro qeybna ku lahaadaan dhaqaalaha dekadda Kismaayo.
Max’med Warsame Darwiish oo xubin ka ah maamulka Jubbaland isku magacaabay ayaa Axmed Madoobe ku cadaadiyay in uu iska fogeeyo Fartaag.
Si kastaba ha ahaatee maamulka gumeysiga la shaqeeya ee Kismaayo kajira ayaa wajahaya laba caqabadood oo kala ah dagaalka uu kula jiro Mujaahidiinta iyo loolanka dhanka beelaha ee dhaxdiisa kajira.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho