Ururka Al Ictisaam oo ay ku mideysanyihiin inta badan wadaada Xumaasha Soomaaliyeed ayaa iclaamiyay in uu taageersanyahay duullaanka ciidanka shisheeye ay kusoo qaadeen dalka Soomaaliya.
Hoggaamiyaasha Al Ictisaam ayaa geed fadhi u noqday agaasinka duullaanada ka dhanka ah wilaayaadka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya iyagoona sharciyad siiyay maamullada gumeystuhu ku adeegto.
Haddii Kaalinta Wadaada Al Ictisaam ay ahaan jirtay dacaayadeynta Jihaadka Soomaaliya iyo mujaahidiinta Jidka Alle ku dagaalamaysa maanta marxaladdaasi way ka gudbeen waxayna bilaabeen in galaangal toos ah ku yeeshaan duullaanka saliibiga ah ee dalka Soomaaliya lagusoo qaaday.
Fagaarayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee loogu tashanayo shacabka Soomaaliyeed waxaa dhax taagan wadaad kamid ah wadaada xumayaasha “Ictisaam” isku magacaabay iyagoo fataawaad la doolareeyay soo saaraya.
Kulamo Muqdisho iyo Garoowe Ka Dhacay.
Cumar Cabdi Rashiid Sharmaake R/wasaaraha DF-ka ayaa magaalada muqdisho kulan kula qaatay saraakiil Ictisaam katirsan oo uu kamid yahay Sheekh Bashiir Axmed Salaad hoggaamiyaha kooxda wuxuuna kulanku ahaa mid arrimo badan looga hadlay.
Ilo xog ogaal ah oo ay SomaliMeMo ka heshay dhanka xafiiska R/wasaaraha ayaa sheegaya in labada dhinac isla garteen xoojinta dagaalka lagula jiro islaamiyiinta Soomaaliya ka halgamaya.
Cumar Cabdi Rashiid ayaa Ictisaam u balanqaaday in xilal wanaagsan lagasiin doono xukuumadda islamarkaana ay muhiimad gaar ahn siinayso Wadaada xumayaasha.
Ina Cabdi Rashiid oo hadlayay ayaa yiri “Kooxda Al-shabaab waa koox baadi ah, kamana turjumayaan u jeedooyinka iyo qiyamka sarreeya ee diinta Islaamka. Xukuumadda aan soo dhisi doono waxa ay balanqaadaysaa in ay kaalin mug leh siin doonto culimada si loo cirib tiro fikirka qalafsan ee kooxda Al-shabab. Kaalinta culimadu waxa ay noqoneysaa mid wax ku-ool, laf-dhabarna u ah horumarka dalka, waxaana kaalin mug leh laga siin doonaa talada dalka iyo go’aamada la gaarayo”.
Bashiir Axmed Salaad ayaa isagoo wajigiisa farxad laga dareemayay Cumar Cabdi Rashiid u sheegay in dhankooda ay bixinayaan taageero walba oo lagula dagaalamayo xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ay u yaqaanaan “Khawaarij,Ghulaad,Argagaxiso”.
Kulanka Xafiiska Cumar Cabdi Rashiid ka dhacay oo wajiyo kala duwan oo culimaa’usuuga kamid ah kasoo muuqdeen ayaa gaba gabadii wuxuu isku bedelay sedax geesood,laba kamid ah hoggaamiyaasha Ictisaam iyo Cumar Cabdi Rashiid ayaa ku kali noqday waxaana la xaqiijiyay in dukumiintiyo lagu kala saxiixday.
Hoggaanka Ictisaam ayaa DF-ka u xaqiijiyay in fakar ahaan ay taageersanyihiin guluf dagaaleedka ka dhanka ah shabaabul Mujaahidiin iyo shacabka ay maamulaan ayna u arkaan dagaal xaq ah!!.
“Dagaalka ka dhanka ah kooxahan baadiyaysann melleteri oo kali ah laguma najaxin karo waa in dhanka Fikirka la xoojiyaa” sidaasi waxaa yiri Bashiir Salaad oo Al Jazeera lahadlay.
Ictisaam ayaa N.Kay iyo Cumar Cabdi Rashiid u gudbiyay talooyin dhowr ah oo dhammaantood ku saabsan qaabka loo wiiqi karo mujaahidiinta Soomaaliya.
Kulan kale oo Garowe ka dhacay:Xubno katirsan Ictisaam ayaa booqday qunsuliyadda dowladda Itoobiya ee magaalada Garowe waxaana kulankaasi ku wehliyay sarkaal katirsan maamulka Puntland.
Xubnaha Ictisaam ayaa qunsulka Itoobiya ugudbiyay dalab ay ku sheegeen “ogolaashiyaha dacwa faafin gudaha dhulka soomaalida Itoobiya gumeysato ah”,isla kulanka Garoowe ayay Ictisaamku u sheegeen Itoobiyaanka in ay taageersanyihiin maamulka Puntland ayna la shaqeynayaan maamulka Cabdi ileey ee dhulka Somaligalbeed kajira.
Shaqoon ay kala qeybsadeen Ictisaam iyo Dowladda Federaalka.
Ilo wareedyo mas’uul ah ayaa sheegaya in Kooxda Ictisaam iyo DF-ka ay kala qeybsadeen shaqooyin ka dhan ah jihaadka soomaaliya dhammaantoodna lagusii dheeraynayo cimriga gumeystaha dalka soomaaliya kusoo duulay.
Shaqooyinka Ictisaam loo xil saaray waxaa kamid ah xiriirinta maamullada Axmed madoobe,Puntland iyo DF-ka waxaana lafilayaa in dhammaan maamullada dabadhilifyada ah ee Soomaaliya kajira ay galaangal siyaasadeed ku yeeshaan.
in waxbarashada Soomaaliya lagala dagaalamo jihaad iyo wax iska caabinta sharciga ah dhalinyaradana loo diyaariyo hanqal taagga siyaasadda ku dhisan dabadhilifnimada.
Kooxdan ayaa saraakiil laga siiyay sirdoonka DF-ka iyo howlwadeenno ka shaqeyn doono wasaarado dhowr ah oo dowladda Federaalka katirsan halka Ictisaamka Puntland ay wasiirro ku leeyihiin maamulka Cabdi Wali Gaas.
Dalka soomaaliya ayaa maraya marxalad xasaasi ah ciidan ku dhaw 100-kun oo Askar Itoobiyaan ah ayaa qabsaday gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxay ku xad-gudbayaan sharafka hablaha muslimaadka ah,hantidii shacabka soomaaliyeed ayuu gumeystuhu qaadanayaa.
Baybalka baadilka ah ayay calooshood u shaqeystayaasha Afrikaanta ah ku faafinayaan gobollada dalka qofkii isku daya in uu ka hortagana Ictisaam ayaa ku tiimbaraynaya “Khawaarid,Argagaxiso” iyo erayo kale oo kasii liita.
Mar sidaan oo kale dadkii waxgaradka iyo culimada loo nisbeynayay ay safka gumeystaha kusii qulqulayeen ayuu gumeysi siid soomaaliyeed ku duceystay “Alloow lakala miiranye Mililik hana raacsiin”.
Mar walba oo xogaha xaqiiqda ah ay warbaahinta islaamiga ah ka qorto Ictisaam ayay ictisaam ku hadaaqaan “SomaliMeMo sida Yahuudda ay u dhaqantaa,Culimada ayay gaalaysiiyeen IW”.
Bashiir Salaad iyo Nuur Baaruud oo ka qeyb gelaya shir loogu magac daray la dagaalanka Argagaxisada oo Muqdisho ka dhacay.
Voice Of Somalia-Somali Leaks.