DHAGEYSO:-Eng Idiris: “Bah Dil Weyn Ayuu Xassan Sheekh Kala Kulmay Soo Dhaweyntii Erdogan”

33168574
Idriis Xassan Faarax ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda uu bah dil weyn kala kulmay soo dhaweyntii uu shalay garoonka diyaaradaha ugu sameeyay madaxweynaha dalka Turkiga.
Wuxuu sheegay in Xassan Sheekh uu u muuqday Ajnabi wadan kale booqday oo isaga lasoo dhaweynayo, sababtoo ah waxaa goobta dhoobtaa dad Turki ah oo ay ciidamo ku jiraan, halka Xassan Sheekh iyo haweeneyda u dhaxda ay Soomaali ka ahaayeen, walow markii dambe ay kusoo biireen dhowr qofood oo uu ra’iisulwasaaruhu kamid yahay.
Sida sawirka hoose ka muuqata waxaa la arkayaa calanka Soomaaliya oo si qaabdaro badan loo hayo iyo kan Turki oo si wanaagsan loo taagay, waxaa intaa dheer oo fadeexadda madaxweynaha lagu tilmaamay kamid an inuu awoodi waayay ugu yaraan qof Soomaali ah oo calanka u haya.
Idriis Xassan Faarax ayaa sheegay in Xassan sheekh uu aad u dhaawacay sumcadda ummada Soomaaliyeed marba haddii isagoo Muqdisho jooga uu u muuqdo nin ajnabi ah.

HOOS KA DHAGEYSO

Voice Of Somalia-Somali Leaks