“Boqolkiiba sideetan (80%) dadka xiran waa loomaa ooyaan”Xeer Ilaaliye Axmed Cali Daahir.

33193847

Xeer Ilaaliye Axmed Cali Daahir, Xeer Ilaaliyaha , ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dadka ku xiran xabsiyada Magaalada Muqdisho, ay boqolkiiba sideetan (80%) ka soo jeedaan beelaha laga tirada baddan yahay.

Xeer Ilaaliyaha, ayaa iftiimiyay in beelahaasi ay soo gaarto dhibaatada ugu badan, isla-markaana ay xaqiiqdu tahay inay muuqato waxyeelada ba’an ee loogu geysanaayo Magaalada Muqdisho, sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka ku xiran xabsiyaa Magaalada Muqdisho ay lee yihiin xuquuq uu siinaayo Dastuurka Qabyo Qoraalka ee Somaliya, si aan loogu geysan wax ka baxsan, waxa ay mudan yihiin.

Dhanka kale ayuu carab dhabay in Xabsiga Dhexe Xamar uu yahay xabsiga kaliya, ee ay heysato Dowladda Somaliya, ayna ku xiran yihiin 1,400 oo maxaabiis, xilli uu sheegay in loogu talla galay in lagu xiro qiyaastii 400 oo qof.

Isagoo sharaxaad ka bixinaayay qaabka uu u dhisan yahay Xabsiga Dhexe Xamar, ayaa wuxuu sheegay in laba qaybood uu ka kooban yahay. Qayb ka mid ah oo loogu talla galay in lagu xiro 2,00 oo ruux, laakiin ay ku xiran yiiin 1,400 oo qof, halka qaybta kalana ay burbursan tahay.

Axmed Cali Daahir, ayaa qaba in nolol xumo iyo caafimaad daraba ay ka dhalan karto ciriiriga daran, ee ka jira Xabsiga Dhexe Xamar.

Axmed Cali Daahir ayaa xeer ilaaliye ka ahaan jirey dhulka soomaaliyeed ee Itoobiya xooga klu haysato,waana wax badan la soo shaqeeyay xabashida mana ahan nin u naxa dad Soomaaliyeed oo dhibaato haysato,waxbuu uga dan leeyahay warkan uu sheegay.

Voice Of Somalia Somali Leaks.