FASHIL IYO FADHIID:-Wasiiro iska Casilay Xukuumadda Fadhiidka ah ee Cumar Cabdi Rashiid

33258865

24 saacadood kadib markii R/wasaaraha dowladda Federaalka uu soo dhisay golihiisa wasiirada cusub ayay qaar kamid ah wasiiradaasi iska diiden xilalka loo magacaabay.

30-kii maalmood ee lasoo dhaafay khilaafaadyo u dhaxeeya hoggaanka DF-ka ayaa jiray kaasi oo salka ku hayay arrimaha siyaasadda iyo cidda wasiirro ka noqanaysa wasaasaradaha ugu muhiimsan .

C/raxmaan Dheere oo ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda G/dhigga ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka loo magacaabay isagoo hoggaanka DF-ka ku eedeeyay in ay yaseen beeshiisa oo aan xilal wanaagsan lasiin!.

Waxaa kale oo la  sheegaya in wax ka yar saacado gudahooda isku casilay  Cabdirashiid Maxamed Xiddig Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka kadib markii uu qaadan waayay xilka loo magacabay oo uu sheegay in beeshiisa iyo miisaankiisa Siyaasadeed midna u qalmin in jago sidan u hooseysa loo magacabo.

DF-ka ayaa ku dhisan qaab beeleed iyadoona qabaa’illada Soomaaliyeed u kala qeybisay laan gaab iyo Laandheer waana qeyb ka mid ah falsafadda gumeystuhu usoo maleegay shacabka soomaaliyeed.

Waa wasiirkii ugu horreeyay ee ku dhawaaqa in uu iska casilay xukuumadda Ina Cabdi Rashiid oo hana qaadkeeda ku billaabatay jallaafeyn iyo diidmo dhanka baarlamaanka uga timid.

Voice Of Somalia-Somali Leaks.