Nafta ibnu aadamka waxay ugu oon badan tahay bay culumadu ku qeexaan waxa loo yaqaanno xorriyadd oo macnaheedu yahay inaad dareento noloshaada inuusan jirin awood ama culays kaa hor istaagoinaad sida aad jeceshahhay u fakarto, u hadasho, u noolaato,u cibaadaysato, ugu muujiso dhaqabkaaga. Marka si kale loo dhigo inaad leedahay awood aad ku kala dooran karto ikhyaaro kala duwan.
Intaas markaan kaga gudubno macnaha iyo ahmiyada ay ledahay (XORNIMO) hadaba inagoon kusii fogaanayanin hadii aan dib u jaleecno sooyaalkii taarikhda ee caalamka lagasoo bilabo dagalki 2aad ee adunka markii lagu kala baxay caalamka intii ku hoosjirtay heeryadii gumaysiga waxay ku baraarugeen inay helaan furihii nolosha ee gacan kale kaga jiray (XORNIMO.FREEDOM) hadaba qaarada africa oo iyadu gabi ahaanba ka sinayd ku hoosnolaanshaha gumaysigi rer galbeedka waxaa ka wada bilawday dhaqdhaqaaqyo lagu radinaya maxad banaani si bulsha walba ay iyadu aayeheeda uga tashato wakhti dheer ka dib waxa si is daba joog ah ku timid xornimada wadamada qaaraca africa inkastoo ay jirto faragelin iyo gumaysi dadban oo wali lagu hayo dadyowga lagu tilmaamo dunida 3aad kasoo ku salaysan qaab dhaqaale iyo dani dana gaar ah.
Intaas markaan kaga nimaadno helitanki xoriyada ee wadamada africa hadaba gayiga somalida OGADENYA oo dhaca barica AFRICA oo ka mid ahaa dhulki lagu qaybsaday shirkii baarliin ee boobki AFRICA lagu qaybsaday qayb ahana ku hagagay dawlada ENGIRISKA hasa yeeshe nasiib daro aan helin xoriyadii ay gumaystayashi reer galbeedku dib ugu celiyeen dadyawgii la gumaysanayay waxana gacanta loo galiyay dawlad African ah oo inkastoo tarikhda somalida ay been ka shegaan taso ay dhahaan bulshada dhulka ku dhaqan ayaa dooratay in ethiopia loogu dhiibo mamulka
Xaqiiqaduse waxay tahay dawladii ENGRISKU dan ayay ka lahayd markay ethiopia ku arejinaysay dhulka somalida OGADENYA hadaba ka dib warejintii galiya OGADENYA lagu warejiyay xabashida (ETHIOPIA) waxay kentay inay bilowdaan dhaqdhaqaqyo hubaysan oo u istagay inay soo dhiciyaan maqamka iyo sharafta umada somalida OGADENYA kuwaaso cudud midaysan kala hor yimid mamuladi iyo xukumadihi muquuninta ku dhisnaa ee so maray ETHIOPIA.
Bulshada somalida OGADENYA ayaa iyadu guri madow kaga jirta aduunyada inteda kale waana taas sababta kentay inan fikirkayga yar ku iftiimiyo baahida qofka bini adamka ah uu u qabo XORNIMO iyo sida aan looga marmin
!!!DARDAARAN!!!!
Waxaan bulshadayda kula dardaarmaya inayna ka daalin radinta iyo ka midha dhalinta hadafki geediga loo raray ee ahaa in la helo dalkena oo ka maxad banaan gumaysiga xabashida waxaana hubaal ah in bulsha walba ay gaadho waxay u samirto
Waa in qofwalba oo og waxa ka jira wadankiisii hooyo uuna indhaha ka qarsanin sababto ah waa masuliyad ku saaran inad codkaga waxa ugu raadiso. Waxan la wada soconaa in adunyada ay gadhay heer sare dhan Technologa kaso u sahlaya qofka inu si fudud adunyada uguso ban dhigo xaqiiqada qarsoon ee ka jirta dhulka OGADENYA.
Dhalinyarta rer OGADENYA waxan leyahay gaar ahan inta wadanka banaanka kaga maqan
DARBIYADA SHISHEEYIYO DABAQYADA DAYOW KALE DADKAYGOW HA MOODINA DAD INAY IDIIN TAHYA DADKII DADAALA DANOHOODA GAADHEE DULMANOW DADKAYGOW DANAHAAGA GARO OO DULMI IYO GUMAYSIGA DUNIDU WAY KA GUDUBTEE DAANYEERTAN DAAFUSHA LEH MAXAA ADIGA KUU DAGAY????????
!!!WABILAAHI TAWFIIQ GUUL IYO GOBANIMO MIDNIMO IYO ISKU TASHI
Gaas Yare